R/wasaare Saacid “Dowlada Siyaasad guud ayay ka Damacsantahay G/Jubooyinka”

Muqdisho (KON) Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in maamulo loo samaynayo dhamaanba gobalada aanan haatan Maamul rasmi ah aanan lahayn.
Warar Keydmedia Online

Raysal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax ayaa sheegay in qorshahaasi haatan uu socdo isla markaana meel wanaagsan uu marayo.

Wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya wafdi balaaran ay u dirtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose isla markaana dowladu ay leedahay Maamulka u samanta Jubooyinka iyo gobalada kale.

Waxaa uu sheegay Raysal Wasaaruhu in degmooyika kale ee Jubooyinka ka saari doonaan Al-Shabaab, si dadka deegaanka ay nabad ugu horseedaan, isla markaana dalka oo dhan ay ka xoreeyaan sida uu yiri.

Raysal wasaaraha ayaa sheegay in dowladda siyaasad guud ka damacsan tahay gobolada Jubooyinka, isagoo tilmaamay in dowladda ay qaadaneyso doorka maamul u sameynta Jubooyinka, isla markaana lagu heshiiyay.

Hadalka Raysal wasaaraha ayaa wuxuu imaanayaa xili wafdi wasiiro ah oo ka socda dpwlada ay tageen gobalada Jubooyinka isla markaana dadka deegaanka ay kala soo hadleen maamul u samaynta Jubooyinka.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.