Raysal wasaare Shirdoon iyo wasiiro ka tirsan xukuumadiisa oo gaaray Gedo

Muqdisho (KON) Raysal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa gaaray gobalka Gedo isaga iyo xubno kamid ah wasiirada xukuumadiisa oo maalmahan booqasho ku maraye gobalada dalka.
Warar Keydmedia Online

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garbahaareey halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen maamulka gobalka Gedo iyo shacab badan.

Wasiirada arimaha gudaha iyo gaashaandhiga ayaa la socda Raysal wasaaraha Soomaaliya iyadoo shacab badan ay kusoo dhaweeyeen magaalada.

Raysal wasaare Saacid ayaa kulamo kala duwan la qaadan doono maamulka gobalka Gedo iyo sidoo kale shacabka degmada Garbahaareey ku nool.

Shalay ayuu tagay degmada Jowhar halka jimcihii uu kasoo noqday magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubadda Hoose.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.