Rabdhuure oo dagan kadib dagaal

Muqdisho(Keydmedia) Wararka aynu ka heleyno degmada rabdhuure ee gobalka Bakool ayaa sheegaya in xaalada degmadaasi ay tahay hadda mid xasiloon kadib dagaal xalay ku dhex maray halkaasi ciidamada Dowladda iyo xoogaga Mucaaradka.
Warar Keydmedia Online

C/casiis Abuu-muscub oo ah afhayeenka kooxaha dowladda ka soo horjeeda gaar ahaan kooxda uu hogaamiyo Axmed Godane, afhayeenku wuxuu sheegay in ay dhibaato gaarsiiyeen ciidamada dowladda ee ay halkaasi kula dagaalameen.

Inkastoo aanu jirin wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowladda ayaa hadana dhanka kale warar madax banaan oo la helayo waxa ay sheegayaan in labada dhanba uu qasaaro kale gaaray.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.