Ragg Ka Tirsan Shabaab oo Lagu Qab Qabtay Marko

Marka (KON)- Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo howlgallo ballaaran ka sameeyay xaafado ka tirsan magaalada Marka ee xarunta gobbolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay ku soo qab qabteen tiro ragg ah oo ka tirsan kooxda Shabaab.
Warar Keydmedia Online

Ciidamada Dowladda ayaa waxaa howlgalka ay ka sameeyeen magaalada Marka ku waheliyay Ciidamada AMISOM.

Axmed Macallin Cukaaskh Gudoomiyah magaalada Marka ayaa warbaahinta u sheegay in ragg ay soo qabteen ay gaarayaan ilaa 3 nin oo la sheegay inay ka tirsanyihiin Maleeshiyaadka Shabaab kuwaasoo maalmihii la soo dhaafay falal amaanka lidi ku ah ka waday magaalada Marka.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Maamulka Marka Cukaash wuxuu sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada ay ku xaqiijinayaan amaanka

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.