Ragga Al Shabaab ka soo goosanaya oo kordhaya

Rag ka tirsanaa Al Shabaab, ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey isku soo dhiibayey ciidamada dowladda, sababo la xiriira nolosha oo ku adkaatay.

Warar Keydmedia Online
Ragga Al Shabaab ka soo goosanaya oo kordhaya

HIIRAAN, Soomaaliya- Waxaa kordhaya tirada maleeshiyada ka soo goosanaya Al Shabaab, kuwaa oo isku soo dhiibaya ciidamada dowladda ee ku sugan deggaanada uu ka socdo howl galka ka dhanka ah argagixisada.

Tirada kuwa soo goostay labadii todobaad ee ugu danbeysay ayaa kor u dhaafaya 50 qof, kuwaas oo siyaabo gooni gooni ah ciidamada isugu soo dhiibayey.

Raggan ka tirsanaa Al Shabaab, oo muuqaalkooda lagu soo bandhigay warbaahinta dowladda, ayaa Isa soo dhiibidooda ku macneeyey guuldarooyinkii dhawaan kooxda ka soo gaaray kacdoonkii ay kala kulmeen shacabka ku dhaqan Hiiraan iyo Galgaduud.

Waxey sheegeen in ay ku adkaatay nolosha, kadib markii laga saaray deggaanadii ay ku dhuumaaleysan jireen, waana kuwa dalbaday cafis, wallow ay adag tahay kalsoonida lagu qabi karo.

Culeys dhaqaalle iyo mid milatari ayey wajahayaan xilligan Al Shabaab, taas oo ah sababta ka danbeysay in maleeshiyaadkooda ay soo goostaan marka ay helaan fursad.

Sida ay inoo sheegeen saraakiil ka tiraan dowladda ragga soo goostay ayaa la qorsheeyey in lagu xareeyo xero dhaqan celin ah, isla markaan baaritaano lagu sameeyo si loo kala saaro kuwa ay dhab ka tahay soo goosashada iyo qaarka ummada u maleegaya dibindaabyo hor leh.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.