Ra’iisul Wasaare ceynkee ah ayuu dalku u baahan yahay?

Madaxweynaha dowlada Fedraalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay si rasmi ah ula wareegay xilka, waxaana dhawaan laga filayaa inuu soo magacaabo Ra'iisul Wasaare.
 

Warar Keydmedia Online
Ra’iisul Wasaare ceynkee ah ayuu dalku u baahan yahay?

MUQDISHO, Soomaaliya- Madaxweynaha cusub ayaa sida dastuurku qabo, laga doonayaa in muddo 30-casho gudaheed ah uu ku soo magacaabo Ra'iisul Wasaare, isagoo gudaha caasimadda ka wada la tashiyo ku aadan qofkii uu soo xulan lahaa.

Haddaba dadka sida dhaw ula socda xaaladda dalka ayaa xilligan ku talinaya in Madaxweynuhu uu xusho Ra'iisul wasaare waaya arag ah oo dalka ka samata bixin karan daruufaha adag ee uu ku jiro.

Aqoonyahanada qaar ayaa Madaxweynaha u soo jeedinaya inuu Ra'iisul Wasaare u magacaabo shakhsi qibrad u leh nidaamka dowladnimo, kaas oo aan dalka dib u dhac u horseedi doonin.

Madaxda Maamullada Jubaland iyo Puntland ayaa iyaguna isku garbinaya nooca Ra'iisul wasaare ee iman doona, waxaana mid waliba uu rabaa in la tixgeliyo rabitaankiisa, taas oo caqabad ku noqon karta Xasan Sheekh Maxamuud.

Qubrada badankood ayaa Xasan Sheekh ugu baaqaya, in aan doorashada loogu abaal sheegan isla markaana ay isagu ku koobnaato go'aan ka gaarista Ra'iisul wasaaraha uu xulanayo.

KEYDMEDIA ONLINE 
 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.