Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo geeriyoodey

Safiirka Soomaaliya ee Turkiga ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter ku xaqiijiyay geerida Xasan Abshir Faarax.

Warar Keydmedia Online
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo geeriyoodey

ANKARA - Xasan Abshir Faarax oo xilal Kala duwan kasoo qabtay Soomaaliya ayaa Maanta ku geeriyoodey magaaladda Ankara, ee Caasimadda Turkiga.

Marxuumka ayaa xaalad Caafimaad u joogay wadanka Turkiga mudooyinkii dambe, mana la sheegin xanuunka hayay noociisa.

Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa xaqiijisay geeridiisa.

Xasan Abshir ayaa noqday intii uu noolaa Duqa Muqdisho xilligii xukunka Siyaad Barre, Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland 2001-2003 iyo sidoo kale Raa'iisul Wasaare dowladdii C/qaasim.

Sidoo kale, wuxuu AUN Xasan Abshir noqday markii ugu dambeysay Xildhibaan kamida Baarlamaankii 9aad.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.