Raila Odinga oo diiday inuu ka qeyb galo caleema-saarka Ruto

Raila Odinga oo madaxa la sii galaya da’aadda 78-aad, wuxuu hore u soo noqaday, Ra’iisul Wasaaraha Kenya intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2013, wuxuu xilli ka mid ahaa Baarlamaanka waana ganacsade ku tartamayay ODM oo hoos yimaada Isbahaysiga Azimio La Umoja.

Warar Keydmedia Online
Raila Odinga oo diiday inuu ka qeyb galo caleema-saarka Ruto

NAIROBI, Kenya - Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga oo dhawaan looga adkaaday doorashada ayaa ku dhawaaqay in uusan ka qeybgali doonin caleema-saarka William Ruto oo maanta oo Talaado ah ka dhacaya garoonka Kasarani ee Nairobi.

Odinga ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in uu aaminsan yahay in Guddiga Madaxa-banaan ee doorashooyinka aysan qaban doorasho xor iyo xalaal ah, isla-markaana go’aanka maxkamadda sare uusan ku saleysneyn xaqiiqo iyo sharci, inkastoo uu ixtiraamay.

Raila Odinga oo hadda ka maqan Kenya wuxuu bayaankiisa ku sheegay in marka uu dalka kusoo nqodo uu la kulmi doonoo xunbaha isbaheysigiisa, isla markaana ay ku dhawaqi doonaan tallaabada xigta taasoo uu ku sheegay mid lagu xoojinayo dimuqraadiyadda.

“Fiidnimadii Isniinta, waxa aan helay warqad iyo telefoon uu ii soo diray Dr. William Ruto oo igu martiqaadaya caleemo-saarkiisa. Waan ka xumahay in aanan diyaar u ahayn caleema saarka, waan maqanahay dalka, sidoo kale waxaan qabaa walaacyo kale”,” ayuu yiri.

Hogaamiyaha Mucaaradka Kenya Raila Odinga, ayaa 22 August 2022 Maxkamadda Sare ee dalkaas u gudbiyay dacwad ka dhan ah natiijadii doorashadii Madaxtinimo ee bishii hore ka qabsoontay Kenya, wuxuu ka codsaday in natiijadaas wax kama jiraan laga soo qaado.

Hayeeshee, 5-tii bishaan September 2022 ayay Maxkamadda sare ee Kenya ku dhawaaqday in William Ruto yahay Madaxweynaha rasmiga ah ee dalkaas, iyadoo meesha ka saartay dacwadii Raila Odinga kaasoo ku andacooday in wax isdaba marin xooggan dhacday.

Raila Odinga oo madaxa la sii galaya da’aadda 78-aad, wuxuu hore u soo noqaday, Ra’iisul Wasaaraha Kenya intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2013, wuxuu xilli ka mid ahaa Baarlamaanka waana ganacsade ku tartamayay ODM oo hoos yimaada Isbahaysiga Azimio La Umoja.

Odinga oo loogu yeero hogaamiyaha mucaaradka Kenya, marka laga reebo guuldarrada sanadkaan, waa markii shanaad ee looga adkaado doorashada Madaxtinnimada Kenya, wuxuu hore u soo qasaaray sanadaha kala ah 1997, 2007, 2013 iyo 2017.

William Ruto ayaa maanta loo caleema saari doonaa inuu noqdo Madaxweynihii shanaad ee Kenya xaflad ay ka soo qeyb galayaan tobanaan hoggaamiyeyaal caalami ah, waxaana caleema-saarkaas ka qayb gali doona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud.

KEYDMEDIA ONLINE  

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.