KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Gudoomiye Xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in Raisul Wasaaraha Soomaaliya uu ugudbiyey Warqad Qoraal ah oo looga Dalbanayo in uu Baarlamaanka Hor yimaado.
Gudoomiye Cawad ayaa sheegay in Raisul Wasaare C/wali wax laga Weydiin doono Heshisyadii Xukumadda ay ku soo gashay Banaanka iyo Gudaha intaba.
Raisul Wasaare C/wali Sh Axmed oo la Magacaabay 12-Bishii Janaayo ayaan Helin Fursad uu Baarlamaanka ugu gudbiyo Heshiisyada Xukumadda, maadaama Kala Fadhigii Baarlamaanka ee Saddexaad la Xiray islamarkaana kii Afraad uu hada Furmay.
Lama oga in Raisul Wasaare C/wali Sh Axmed uu Maanta Baarlamaanka hortagayo iyo in uu ka Baaqanayo intaba.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.