Rajo xumo laga soo warinayo Shirka Dhuusamareeb

Rajo xumo tii ugu weyneed ayaa laga soo warinayaa Shirka ka socda Dhuusamareeb ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda Fadaraalka iyo Maamullada Xubnaha ka ah.

Warar Keydmedia Online
Rajo xumo laga soo warinayo Shirka Dhuusamareeb

DHUSAMAREEB,Soomaaliya - Inkastoo qodobo badan oo qilaaf ka taagnaa la isla fahmay, hadana waxaa la isla meel dhigi la’yahay arrinta Gobolka Gedo.

Axmed Madoobe ayaa ka gadooday shirkii xalay, kadib markii uu dareemay in Farmaajo ka caga jiidayo xalka arrintaan, isla markaana uu diidan yahay qodobo la isla soo qaday oo Madoobe muhiim u arkayay.

Madoobe oo Shirkii maanta ka qeyb qaatay ayaa mar kale ka baxay shirka.

Sida ay sheegaty Madaxtooyada Jubbalad, Axmed ‘Madoobe’ ayaa go’aansaday inuu la hadlo warbaahinta, kana warbixiyo marxaladda uu shirku marayo.

War lagu qoray bogga ku hadla afka Jubbaland ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Dowlada Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa goordhow warbaahinta uga warbixin doona marxalada uu shirku marayo iyo sababta illaa hadda xal looga gaari la'yahay arrinta gobolka Gedo taas oo sababtey in heshiis rasmi ah ka soo bixi waayo shirka wadatashiga arrimaha Doorashooyinka ee Dhuusamareeb”.

Wixii war ah ee arrintaan kusoo kordha kala soco Bogga Wararka ee Keydmedia Online.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.