KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Reer Nincaale waa beesha bud-dhigga u ahayd maamulka Galmudug, waxaana ka soo jeeda Madaxweynihii ugu horreeyay ee maamulkaas, Prof Maxamed Warsame Cali (Kiimiko), halka uu ka dhashay halyaaygii caanka ahaa Allaha u naxariistee Cabdullaahi Ciise.
GAALKACYO, Soomaaliya – Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, beesha Reer Nimcaale oo ka mid ah beel weynta Sacad ee Habargidir ayaa dib u xirtay baraha koontarool ee ku yaalla magaalada.
Beeshan oo 22 September 2022, ku dhawaaqday in muddo 48 saac ah ay u qabatay Qoorqoor inuu ku fuliyo ballamo la galay ayaa xalay dib u xirtay waddooyinka gala Gaalkacyo kadib markii uu Qoorqoor ka baxay ballamadii dhinacyado galeen.
Reer Nimcaale waxa ay (16 September 2022) ku dhawaaqeen in ay xiriirka u jareen maamulka Qoorqoor, tabashadooda ayaana sababtay in muddo Todobo maalin ah uusan shaqayn Kastamka magaalada, isla-markaana aysan gawaaridu adeegsan waddada.
Beeshu waxa ay mar kale ku celisay in ay lama huraan tahay in Dowladda dhexe ay soo fara-galiso is-diiddooyinka ka dhex aloosan beesha iyo Qoorqoor inta uusan xaalku faraha ka bixin, isla-markaana gadoodku isku baddelin gacan ka hadal khasaare sababa.
Beeshu waxa ay Qoorqoor ku eedeysay inuu duudsiyay xuquuqdii ay ku lahaayeen Dowlad gobolleedka Galmudug oo ay iyagu bud-dhige u ahaayeen, maadaama uu ka soo jeedo Madaxweynihii ugu horreeyay ee maamulkaas, Prof Maxamed Warsame Cali (Kiimiko).
Reer Nimcaale sidoo kale waxa ay Qoorqoor ku eedeeysay inuu yahay shaqsi aan abaal lahayn, maadaama ay beeshu ka mid ahayd beelihii sida weyn u soo dhaweeyay kadib markii uu Qoorqqor doorasho boob ah kursiga ku helay sanadkii 2020.
Xuquuqaadka beeshu lahayd ee Qoorqoor isku hor-gooyay waxaa ka mid ah, guud ahaa xuquuqdii degmada Af-barwaqo oo dhacda bariga gobolka Mudug, dhinacna u xigtaa maamulka Galmudug, taasoo ka mid ah degaannadii degmonimada helay 1988-kii.
Qoorqoor ayaa hurinaya khilaafaadka qabiillada si uu dhabarka uga jabiyo kacdoonka shacabka iyo howlgallada ka dhanka ah Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab ee ka socda gobolka Galgaduud, isagoo si dadban ula shaqaynaya Fahad iyo Farmaajo.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.