Reer Cadaado “hala Sii daayo Poul & Richal”

Dadka Dagan Degmada Cadaado ee gobalka Galguduud ayaa maanta halkaasi ka dhigay dibad bax ay ku codsanayaan in la sii daayo labaanayaasha Britian ee gacanta ugu jira kooxa burcad badeeda Soomaalida.
Warar Keydmedia Online

Dibad baxan oo ay ka qeyb galeen qeybaha kale duwan ee Bulshada dagan Magaalada Cadaado ayaa u jeedkiisa ugu weyn waxa uu ahaa dalabkaasi loo diray Burcad badeeda Soomaalida.

" Hala Sii daayo poul iyo Richal, iyadoo aan lagu xireen wax shuruud ah" sidaa waxaa ku qeylinayay Dibadbaxayaasha oo cara xoogan ay ka muuqatay cara xoog leh.

Dowlada Britain ee ay u dhasheen Dadkaasi ay kol hore in aanay marnaba ka raali noqon doonin lacaga in ay ku bixiso xuriyad u raadinta muwaadiniinteeda, waxaana dhanka kale burcad badeeda ay ku hanjabeen xiliya badan in ay qaarijin doonaan lamaanayaashaasi hadaan laga siin Madaxfurasho.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.