Rooble: Kuwii dilay Ikraan Tahliil Maxkamad baa lasoo taagaya

Kiiskan Gabadhan katirsanayd hay'adda NISA ayaa madax-xanuun ku noqday Rooble kadib markii uu Farmaajo carqaladeeyay baaritaanka.

Warar Keydmedia Online
Rooble: Kuwii dilay Ikraan Tahliil Maxkamad baa lasoo taagaya

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa ka hadlay kiiska dilka Ikraan Tahliil xili shacabka ay dhegta u taagayaan baaritaankii ay wadey Maxkamadda Militeriga.

"Ikraan Cadaalad way heli doontaa ha noqoto Maanta ama Berri, kuwii dilay waxaa la horkeeni doona Maxkamadda marka uu soo dhamaado baaritaanka," ayuu yiri RW Rooble.

Wuxuu hadalkan ka yiri munaasabada hadal-jeedinta Musharixiinta Somaliland ee Aqalka Sare taasoo saakay ka billaabatay teendhada Afisyooni, oo ku dhaw Garoonka diyaaradaha.

Kiiskan Gabadhan katirsanayd hay'adda NISA , oo u qaabilsanayn dhanka amniga Internet-ka ayaa madax-xanuun ku noqday Rooble kadib markii uu Farmaajo carqaladeeyay baaritaanka.

Dadka la tuhmayo inay dileen Ikraan waxaa kamid ah Fahad Yasin oo Farmaajo dalacsiiyay markii Rooble xilka NISA ka qaadey bishan, waxaana ku jira Yaasiin Farey iyo Kulane Jiis.

Dad badan ayaa aaminsan in Kiiska Ikraan uu halay meel adag, iyadoo Rooble ku adkaatey inuu si deg deg ah usoo afjaro, islamarkaana shaciga la marsiiyo kuwa dilka ka dambeeyay.

Ikraan waxay u dhimatay xog xasaasi ah oo Fahad ka haysay, waxayna ahayd Gabar haysa liiska dhalinyaradii loo qaadey Eritrea aan dib usoo laaban, kuwaasoo kumanaan gaaraya.

Waxaa la afduubey 26-kii June 2021 xili habeen ah, iyadoo kasoo muuqatay muuqaal CCTV qabatay xili ay raacaysay Gaari NISA leedahay oo Hilux Toyota ah oo ka qaadayay Gurigeeda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.