Rooble oo 48 Saac u qabtay Fahad inuu Warbixin ka keeno Kiiska Ikraan

Rooble ayaa sheegay in aan lagu qanci karin warbixintii NISA ee la xiriirta geerida Ikraan, isagoo farah Fahad inuu 48 saac gudahooda ku keeno war lagu qanci karo.

Warar Keydmedia Online
Rooble oo 48 Saac u qabtay Fahad inuu Warbixin ka keeno Kiiska Ikraan

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa si kulul uga hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo NISA ay sheegtay inay dishay Al-Shabaab.

Muuqaal uu soo duubey ayuu Rooble ku sheegay in tan iyo markii Kiiska Ikraan soo ifbaxay uu siiyay hogaanka NISA waqti ku filan inuu warbixin uga keeno, balse si qaldan loo maareeyay.

Wuxuu sheegay in uu u qabtay mudo 48 saac ah taliyaha NISA Fahad Yaasiin inuu ku keeno warbixin dhameystiran, oo wadata caddeyn lagu qanci karo, islamarkaana ka jawaabeysa su'aallaha la xiririka kiiskan.

"Waxaan u cadeynayaa shacabka iyo qoyska Ikraan in xukuumadda ay ka saaran tahay waajibad dastuuri ah in Ikraan ay heli doonto," ayuu yiri RW Rooble, isagoo intaasi ku darey inuu go'aan ka qaadan doono kiiskan marka loo soo gudbiyo warbixinta.

Kiiskan Ikraan ayaa taabtay quluubta iyo dareenka shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna Rooble sheegay inuu kiiskan ka dhashay in la afduubo dad aan waxba galabsan, oo isku reer yihin Fahad Yaasiin, oo ku sugan Beledweyne.

Lama oga tallaabadan uu Rooble ka qaadi kari Fahad Yaasiin oo awood badan ku leh dowladda, islamarkaana isu heysta inuu ka sareeyo Rooble iyo Farmaajo, maadaama uu isaga soo dhigay maamulkan waqtigiisu dhamaadey ee fadhiya Villa Somalia.

Ikraan Tahliil oo ahayd Sarkaal katirsan NISA tan iyo 2017, waxayna u qaabilsanayd dhanka amniga Internet-ka [Cybersecurity], ayaa waxaa la afduubey 26-kii June ee sanadkan 2016.

Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis ayaa Gabadhan lagu tuhmayaa inay dileen Gabadhan maadama ay ka heysay xogo xasaasi ah, oo ay kamid yihiin liiska dhalinyaradii loo qaadey Eritrea iyo dilkii Eng Yariisow 2019.

July 2020 ayay Ikraan kasoo laabatay magaaladda London oo u aadey aqoon-korarsi dhanka Sirdoonka ah kadib markii Fahad Yaasiin u yeeray, waxayna timid Muqdisho bishii March 2021.

Keydmedia Online ayaa ogaatey inuu Fahad Yaasiin u cararay dalka Turkiga kahor inta la shaacin dhimashadda Ikraan oo Khamiistii lagu soo qoray barta Facebook ee TV-ga dowladda.

NISA waxay ku eedeysay afduubka iyo dilka Kooxda Al-Shabaab, oo iyaduna iska fogeysay kiiskan shalay, waxayna sheegtay inaysan waxba ka ogeyn, oo warka Fahad mid ay la yaabeen.

Farmaajo oo Fahad meesha ku haya ayaa diiday inuu la kumo qoyska Ikraan ama ugu yaraan ka hadlo kiiskan sida aadka bulshadda Soomaaliyeed u gilgiley, sababay dhibaato cusub.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.