Rooble oo amar culus dul-dhigay Wasiirka Arrimaha Dibedda

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku wargeliyay Wasiirka Arrimaha dibadda in laga bilaabo 1 Janaayo 2022 shaqaalaha dowladda ee la bedelay ama shaqada laga qaaday aanay waafaqsaneyn go’aankii Golaha Wasiirada.

Warar Keydmedia Online
Rooble oo amar culus dul-dhigay Wasiirka Arrimaha Dibedda

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa wax kama jiraan ka soo qaaday, shaqo ka raacdeynta iyo baddelka uu Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisiciid Muuse Cali, ku sameeyay qaar ka mid ah howl-wadeennada Wasaaradda, tan iyo 1 Janaayo 2022.

Waraaq ku taariikeysan 14/05/2022,  oo uu ku saxiixan yahay Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa Cabdisiciid, lagu wargaliyay in laga bilaabo 1 Janaayo 2022, shaqaalaha Dowladda ee la beddelay ama shaqada laga qaaday aanay waafaqsaneyn go’aankii Golaha Wasiirrada, taasoo wax kama jiraan ka dhigeysta shaqaalihii sida gaarka ah loo bartilmaameystay.

Cabdisiciid, waxaa lagu amray, in dhammaan shaqaalaha, la baddelay ama la raacdeeyay, dib loogu fasaxo shaqadooda, laguna celiyo goobihii iyo xafiisyadii ay ka shaqeynayeen maadaama ay warqadaha sumadahoodu yihiin, XRW/0481/11/2020 iyo XRW/0237/05/2021, ay ka hor imaanayaan shaqo ka racdeyntooda.

Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda, oo go’aankaan la ogeysiiyay ayaa la faray inay qabsadaan howlaha kaga aadan fulinta amarkan, ka dhanka ah, tallaabooyin aan sharciga waafaqsaneyn oo uu qaaday Cabdisiciid Muuse, si uu u shaqada kaga buriyo ama u baddelo shaqale gaar ah.

Sida ay hore u baahisay KEYDMEDIA ONLINE, inta badan dhallinyaradii la shaqeyneysay Kooxda maanta banneyneysa xaafiiska, ee Farmaajo hoggaaminayay ayuu Cabdisiciid, ku kala qoray safaaradaha dalalka Yurub iyo Mareykanka, wuxuuna sidoo kale shaqada ka raacdeeyay dhallinyaro kale, taaso loo fasirtay beegsi gaar ah iyo naas-nuujin gooni ah.

Labadii bilood ee la soo dhaafay, xaafiiska Cabdisiciid, ayaa ahaa mid aad u mashquul badan, waxaana la shaqaaleysiiyay dhallinyardii ugu badnayd, oo intooda badan ka soo jeedaan, Sool, Sanaag, Mudug iyo Gedo, hayeeshee, go’aanka Ra’iisul Wasaaraha ayaa meesha ka saaraya shaqo ka joojinta aan sharciga waafaqsaneyn.

Dhawaan, gabar lagu magacaabo, Kholoud Yusuf oo ah gabar Soomaaliyeed oo dhallinyaro ah, ku dhalatay Sucuudiga, kuna soo barbaartay Ingiriiska, ayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Cabdisaciid, ku eedeysay inuu isku dayay inuu kufsado ama gogol-dhaaf la sameyso, si uu u siiyo shaqo arrimo dibadeed, taasoo ay ku tilmaantay gabood-fal.

Sida ay sheegtay waxa ay heysaa farriimo uu Cabdisiciid, kaga codsaday in ay jirkeeda ku beddelato shaqada ay dooneyeso, waxa ay xustay in markii ay eedda soo gudbisay uu ka block gareeyay Whatsapp-ka iyo Twitterka, si uu isaga indhatiro eedeymaha ama guud ahaan isaga fogeeyo fadeexaddaan oo sida muuqata si weyn u baahday.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.