Rooble oo ku baaqay in la baaro denbiyadii ay galeen kooxdii Farmaajo

RW hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo denbiyadii ay gaysteen kooxdii doorashada looga guuleystay ee uu hoggaaminayey Farmaajo.
 

Warar Keydmedia Online
Rooble oo ku baaqay in la baaro denbiyadii ay galeen kooxdii Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya- Maxamed Xuseen Rooble ayaa dowlada cusub ka dalbaday in ay baaritaan ku sameyso denbiyadii kala duwanaa ee dhacay mudadii uu talada dalka hayey Maxamed Farmaajo.

Denbiyadaas oo isugu jiray dilal qorsheysan, iyo muwaadiniin Soomaaliyeed oo loo gacan galiyey dalalka dariska, ayuu codsaday Rooble in lagu sameeyo baaritaan qoto dheer.

Denbiyada la taaban karo ee ay galeen kooxdii Farmaajo ayaa waxaa ka mid ah dhiibistii Qalbi dhagax, loogu gacan galiyey Itoobiya, iyo dilkii Ikraan Tahliil.
Waxaa sidoo kale weli maqan dhallinyaro Soomaaliyeed oo ay tiradoodu gaareyso 5,000 (Shan Kun) kuwaas oo tababar ciidan loogu diray si qarsoodi ah dalka Eritrea.

Ehelka dhallinyaradan ayaa maalin walba ka baroorta warbaahinta, iyagoo sheegaya in ay dhibaato ku jiraan ubadkooda, waana denbi culus oo u dhigma afduub, maaddaama qorshihii lagu qaaday aan cidna laga tala galin.

Rooble ayaa hadalkan ka sheegay xaflad ay xilka kula kala wareegayeen isaga iyo RW cusub, Xasme Cabdi Barre, kaas oo si rasmi ah iminka xafiiska ula wareegay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.