Rooble oo meesha ka saaray go’aankii Farmaajo ee Jubbaland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa dhagaha ka fureystay, dalab kaga yimid Xaafiiska Farmaajo oo ku wajahan muddada xil-heynta Madaxweynaha Jubbaland.

Warar Keydmedia Online
Rooble oo meesha ka saaray go’aankii Farmaajo ee Jubbaland

MUQDISHO, Soomaaliya - Sanad ka hor 14-kii Juun 2020, qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalku ay Axmed Madoobe u aqqoonsatay Madaxweyne ku meel gaar ah oo muddo xileedkiisu ka bilaabanayo 14-ka Agoosto 2019 oo ku beegan markii uu idlaaday muddo xileedkii hore.

Hayeeshee, Madoobe, oo xilka Madaxweynaha loo doortay 22-ka Agoosto 2019, ayaa si buuxda ugu gacan seyray, warka ka soo baxay xaafiiska Farmaajo, taas oo baasiin ku sii bilbishay khilaafka afarta sano u dhaxeeyay DF iyo DGJ.

Shalay ayay ku ekeyd muddada uu Farmaajo oo awood is bidayay siiyay Madoobe, hayeeshee, ma jiro wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay Xaafiiska Ra’iisul wasaaraha Xil-gaarsiinta Maxamed Xusen Rooble, oo garwadeyn ka ah amniga iyo doorashooyinka dalka.

Sida ay caddeynayaan ilo xog ogaal ah, RW Rooble, ayaa ka biya-diiday fulinta codsi kaga yimid Kooxda Farmaajo, kaas oo ah in uu soo saaro digreeto Ra’iisul Wasaare oo lagu dhaqan galiyay go’aankii Farmaajo ee soo baxay 14-kii Juun 2020, isla-markaana uu caddeeyo in uu dhamaaday waqtigii Madaxweyne Madoobe.

Koox ay Fahad Yaasiin iyo Farmaajo u direen Garbahaarey, oo qorshahoodu ahaa in ay halkaaas kaga dhawaaqaan hoggaanka Maamulka Jubbaland, marka ay muddada labada sano ah idlaato, ayaa fashilmay kadib markii maamulka doorashooyinka lagu wareejiyay Rooble horraantii bishii May ee sanadkaan.

Aamusnaata Xukuumadda ayaa ka dhigan in Madoobe, uu buuq la’aan ahaan doono, madaxweynaha Jubbaland labada sano ee soo socota, taas oo la micno ah in dadaalkii iyo damicii ku dhisnaa diidmada Axmed Madoobe ee Kooxda Farmaajo uu noqday hal bacaad lagu lisay.

Muddadii xil-heynta Farmaajo ayaa idlaatay lix bil k hor, wuxuuna kaliya daawade ka yaahy miisaska lagu go’aamiyo masiirka doorashooyinka dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.