KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Sii-hayaha xilka Ra’iisal Wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magaacabay guddi farsamo oo ka shaqeynaya diyaarinta shirka wadatashiga ee uu iclaamiyay Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo.
MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka uu qabashadiisa ku dhawaaqay Farmajo ayaa loo madlanaa inuu dhaco maalin kadib oo ku began 15 Feebaraayo 2021, halka Guddiga maanta la magacaabay uu qorshuhu ahaa in ay maanta ku kulmaan magaalada Baydhabo ee caasimadda Gobolka Bay.
Guddiga ayaa ka kooban 14 xubnood oo isku jira kuwa ka socda Xukuumadda Dhexe, Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, waxaana loo xil-saaray u gogol xaaridda shirka golaha wadatashiga qaran oo ay isugu imanayaan Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir si loo dhammeystirayo wadahadalladii arrimaha doorashooyinka.
Keydmedia Online, waxa ay fahansantahay cadaadiska kooxda Farmaajo kala kulmayaan Beesha Caalamka, Siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo Shacabka Soomaaliyeed, kuwaas si wada jir ah uga soo hor jeestay damaca guracan ee Farmaajo iyo Fahad ku doonayaan in ay ku boobaan doorashooyinka dalka.
Aqriso magacyada Guddiga la magaacabay.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.