KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Maamulka Gobolka Banaanir, ayaa wada dadaalladii ugu xaoogganaa oo looga hortagayo qabsoomidda bannaan-baxa, waxaana shalay dhoollatus ciidan sameeyay saraakiisha Farmaajo u shaqeeya ee qaybaha kala duwan ee ciidanka hoggaamiya.
MUQDISHO, Soomaaliya – Imtitaxaan adag ayaa hor-yaalla Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, iyo Wasiirkiisa Amniga Cabdullahi Maxamed Nuur, maadaama hal-caana-maal oo kaliya uu ka haray bannaan-baxa ay Khamiista dareenkooda ku cabirayaan Bulshada Gobolka Banaadir.
Sida hore loo shaaciyay, mudaharaadkii ugu weynaa ee Farmaajo looga soo horjeedo, ayaa 13/1/2022, la qorsheeyay inuu ka dhaco caasimadda, waxaana RW Rooble, looga fadhiyaa inuu hor istaago isku dayga Kooxda Farmaajo ku doonayaan in ay ku carqaladeeyaan dibad-baxayaasha.
Mudaharaadka, waxaa fasaxay Wasaaradda Amniga, waxaana Maxamed Xuseen Rooble, iyo Cabdullahi Maxamed Nuur, laga sugayaa in ay muujiyaan in dadku xor yahay oo dastuur ku tumashadii, caburintii iyo caga-jugleyntii dhamaatay ama ay caddeyaan in dadka caasimadda aysan waxba u qaban karin.
Maamulka Gobolka Banaanir, ayaa wada dadaalladii ugu xaoogganaa oo looga hortagayo qabsoomidda bannaan-baxa, waxaana shalay dhoollatus ciidan sameeyay saraakiisha Farmaajo u shaqeeya ee qaybaha kala duwan ee ciidanka hoggaamiya.
Sida ku cad, Qodobka 20aad ee dastuurka, oo ka hadlaya, Xoriyadda Kulanka, Bannaanbaxa, Cabashada iyo Codsi-wadareedka, Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu abaabulo, kana qaybgalo kulammo ama bannaabax oo si xasilooni ah cabasho loogu muujinayo, iyada oo aan oggolaansho loo baahnayn.
Hayeeshee, Cali Yare Cali oo ka mid ah adeegayaasha Farmaajo, kuna magacaaban xilka guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, wuxuu dhawaan ku hanjabay in uusan qabsoomi doonin, mudaharaad aan ogolaansho ka heysan gobolka, taas oo lagu macneeyay sharci baalmarid.
Tan iyo markii uu xaafiiska yimid Farmaajo, wuxuu dhaqan galiyay caburinta shacabka caasimadda, wuxuuna xilliyo kala duwan hor istgaay bannaan-baxyo nabadeed, oo isaga ka dhan ahaa.
19 Feberaayo, mudaharad nabadeed oo ay abaabuleen mucaadka, ayaa la hor istaagay, waxaana la rasaaseeyay siyaasiyiin iyo shacab marayay inta u dhaxeysa garoonka diyaaradaha iyo KM4.
Khamiista, waxaa kala caddaan doonta in saraakiish Farmaajo u shaqeeya u hoggaansami doonaan amarka Wasaaradda amniga oo amniga dalka wakiil uga ah Xukuumadda uu RW Rooble hoggaamiyo, ama in ay iska indho tiraan oo banana-baxayaasha hor istaagaan.
Haddii ay carqalad ku noqdaan mudaharaadka, iyana waxaa la dhowri doonaa tallaabada ay Xukuumaddu ka qaado.
Bannaan-baxa, waxaa ka qeyb galaya, dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana hoggaamin doona odayaal dhaqan iyo siyaasiyiin, sida ay sheegeen ‘Golaha Bulshada Banaadir’, oo mudaharaadka qaban qaabiyay.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.