Roobow oo bandhigay qaabka looga adkaan karo kooxdiisa hore Al-Shabaab

Roobow ayaa soo noqday ninka 2aad ee ugu awoodda badan Al-Shabaab, oo ah koox khatar ku haysa amniga Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Roobow oo bandhigay qaabka looga adkaan karo kooxdiisa hore Al-Shabaab

MUQDISHO, Soomaaliya - Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur, Wasiirka Arrimaha Diinta Soomaaliya ayaa soo bandhigay sida looga guuleysan karo Al-Shabaab.

Isagoo ka hadlayay Masjid ku yaalla Muqdisho, Roobow ayaa sheegay in Al-Shabaab ay tabar dhigtay hadda, islamarkaana loo baahan yahay in fursadda lagu jebin lahaa aan la dayicin.

Wuxuu sheegay in habka kaliya ee dalka looga saari karo Al-Shabaab ay tahay loo midoobo dagaalkeeda, dowlad iyo shacab.

Roobow ayaa intaas ku daray in Kooxdiisa hore hadda soo gaarey jab xoog leh, kadib markii laga saarey dhul ballaaran saddexdii bilood ee uu socday howlgalka militeri.

Abu Mansuur ayaa soo noqday ninka 2aad ee ugu awoodda badan Al-Shabaab, oo ah koox khatar ku haysa amniga Soomaaliya. Sanadkii 2017 ayuu isku soo dhiibay dowladda Federaalka.

Waxuu Al-Shabaab kasoo baxay kadib markii Godane ay isku dhaceen, oo la dilay hogaamiyeyaal sare oo feker ahaan kasoo horjeestay, oo ay ku jireen Ibhaarim Aghan iyo Al-Amriiki.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.