KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Tan iyo markii lasoo xiray 2018, Roobow ayaa loo diiday in qoyskiisa iyo eheladiisa ay kusoo booqdaan Xabsi guriga uu ku jiro oo NISA maamusho.
MUQDISHO, Soomaaliya - Isbedelka siyaasadeed ee ka socda dalka ayaa laga dareemay guriga uu ku xiran yahay Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, oo albaabada loogu furay inay dadka kusoo booqan karaan, arintaas oo ahayd mid aan suurta-gal ahayn xiligii Farmaajo.
Roobow oo u xiran arrimo siyaasadeed, ayaa isku soo dhiibay dowladda 2017, isagoo kadibna laga soo xiray Baydhabo Dec 2018 xili uu isku diyaariyay inuu u tartamo xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, kaasoo uu ku guuleystay Lafta-Gareen oo Farmaajo watay.
Hay'adda NISA ayaa gacanta ku haysay wixii markaas ka dambeeyay, oo uga xirnaa Guri ku yaalla meel ku dhaw xarunta Habar-Khadiija, oo aad ugu ilaaliyaan Askar daacad u ah Fahad Yaasiin.
Roobow ayaa waxaa markii Xasan Sheekh la doortay loo fasaxay inay dadkiisa soo booqan karaan, isagoo sidoo kale helay xoogaa xoriyad ah, oo ku aadan inuu warbaahinta la hadli karo.
Tani waxay qeyb ka tahay isbedelka ka dhacay dalka, oo xukunkii kaligii-taliska Farmaajo uu dhamaadey 15-kii bishan kadib markii Xasan Sheekh uu kusoo baxay doorashadda Madaxtinimada.
Roobow ayaa waxaa booqday gurigiisa siyaasiyiin kasoo jeeda Koonfur Galbeed, oo u dhaq-dhaqaaqa sii-deyntiisa, waxaana la filayaa in dowladda cusub ay go'aan ka gaarto kiiskiisa.
Mudo afar sano ayuu Roobow oo horey usoo noqdey ku-xigeenka iyo Afhayeenka Al-Shabaab ka go'doonsanaa dunida inteeda kale, oo afar dherbi u dhaxeeyay, oo xaalado Caafimaad wajahayay.
NISA ayaa sheegtay dhawaan in Roobow lagu bixiyo daryeelkiisa dhaqaale gaaraya $7,000 [Todobo Kun oo dollar] bil kasta, waxaana illaa hadda jirin wax dacwad ah oo Maxkamad kusoo oogtay.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.