RW cusub oo kulamo ka billaabay Muqdisho

Kulamo uu codka kalsoonida ku raadinayo ayuu Muqdisho ka billaabay Ra''iisul wasaaraha cusub.

Warar Keydmedia Online
RW cusub oo kulamo ka billaabay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya- Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo dhawaan hortagi doona barlamanka, ayaa magaalada Muqdisho ka billabay kulamo uu la yeelanayo xildhibaanada labada aqal ee barlamanka.

Ra'iisul wasaaraha ayaa maanta la kulmay xildhibaanada maamulka Hirshabelle, isagoo ka dalbaday in ay codka kalsoonida siiyaan marka uu hor yimaado barlamanka.

Xildhibaanada Hirshabelle ayaa intii uu kulanka socday Ra'iisul wasaaraha ku wargaliyey in ay siinayaan codkooda, si ay magacaabistiisa u meel marto.

Xamse Cabdi Barre ayaa sida la filayo maalmaha soo socda kulamo la yeelan doono xildhibaanada kale ee barlamanka, si uu ugu qanciyo in ay codkooda siiyaan.

Si kastaba, waxaa lagu wadaa in arbacada soo socda uu Ra'iisul wasaaraha hortago barlamanka, si loo meel mariyo magacaabistiisa.

Cabsi badan lagama qabo in si aqlabiyad leh loo ansixiyo Ra'iisul wasaaraha cusub Xamse Cabdi Barre, maaddaama gollaha shacabka badankood ay doonayaan in ay iska dhex arkaan xukuumada uu soo dhisayo.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.