Kheyre: “Cid na cabsi galin karta ma jirto”

Waxaa maanta shir jaraa’id Magaalada Muqdisho ku qabtay qeyb ka mid ah Musharixiinta Madaxwynaha,  kuwaas oo saaka barqadii lagu rasaaseyay waddada gasha Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Warar Keydmedia Online
Kheyre: “Cid na cabsi galin karta ma jirto”

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsanme, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuled iyo madax kal ayaa la hadlay saxaafadda.

Dhamaan Madaxdu waxa ay canbaareeyeen falkii ay kula kaceen ciidamadii uu soo diray Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo, waxayna dusha ka saareen wixii dhib dhacay.

Xasan Cali Kheyre wuxuu caddeeyay in Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan iyo Shariif ay xalay ka badbaadeen isku day dil, halka Musharixiintii maanta bannaan-baxaysay la qorsheeyay in la laayo.

“Habeenkii aan umadda Soomaaiyeed u tanaasulay, waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegay in aanan rabin in aan qeyb ka noqodo dhibaatada umadda ku soo socota haddii dariiqaan lagu sii socdo”. Ayuu yiri RW Kheyre.

Ra’iisul Wasaarihii hore Kheyre wuxuu Farmaajo ku eedeeyay in uu isku baddalay dagaal ooge dhiigya cab ah, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay ka hor tagaan Kali-taliska dhiig-yacabka ah.

Madaxda Dowlad Goboledyada ayuu ugu baaqay in ay qaataan masuuliyadda ugu weyn ee dalka maadaama ay heystaan waqti sharci ah.

Beesha caalamka wuxuu sheegay in haddii ay tusaale uga baahnaayeen Farmaajo ay ku filan tahay wixii xalay iyo maanta Xamar ka dhacay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.