KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Si diiran ayaa loo soo dhaweeyey, Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo safar dhiira gallin ah ku tagay Baladweyne.
HIIRAAN, Soomaaliya- Xubno ka tirsan madaxda maamulka Hirshabelle, ayaa si diiran Baladweyne ugu soo dhaweeyey Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, oo maanta Muqdisho uga baxay safarkiisii ugu horreeyey tan iyo markii la magacaabay.
Socdaalka Ra'iisul Wasaaraha, ayaa daaranaa inuu niyad dhis iyo dhiira gallin siiyo ciidamada Hiiraan ka wada howl galka ka dhanka ah Al Shabaab.
Ra'iisul Wasaaraha, ayaa markii uu gaaray Baladweyne ka qeyb galay, kulan xog looga siinayay, sida ay u socdaan howl gallada iyi xaaladda abaaraha ka jirta deggaanada Hirshabeelle.
Wuxuu sidoo kale Ra'iisul Wasaaruhu booqday qaar ka mid ah xarumaha ay ku sugan yihiin ciidamada baacsanaya Al Shabaab, si uu u xoojiyo gulufka lagu ciribtirayo kooxdan argagixisada ah.
Xamse Cabdi Barre, ayaa bogaadiyey natiijada libinta wadata ee ilaa iyo iminka ka soo hoyatay, howl galada ay gobolka Hiiraan ka wadaan ciidamada dowlada iyo kuwa deggaanka ee macaawiisleyda.
Howl gallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan, ayaa soo jiitay indhaha qeybo ka tirsan bulshada, waxaana laga gaaray guulo la taaban karo, xilli ciidamada dowlada ay ka garab dagaallamayaan kuwo deggaanka ee loo yaqaan macawiisleyda.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.