RW Rooble oo amar culus ka soo saaray kiiska Ikraan

RW Rooble, ayaa u muuqda in ay ka go’an tahay inuu caddaalad u raadiyo qoska Ikraan Tahliil, oo gabadhooda ay af-duubtay hay’adda NISA.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo amar culus ka soo saaray kiiska Ikraan

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Taliyaha KMG ah Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Hoggaanka Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida iyo Taliyeyaasha Nabad sugidda iyo Booliska Gobolka Banaadir.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xeer Ilaalinta iyo maxkamadda Ciidammada Qalabka sida in ay baaritaan rasmi ah oo deg deg ah ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahaliil Faarax”. Ayaa lagu yiri war ka soo baxay xaafiiska Rooble.

Agaasimaha cusub ee hay’adda NISA, Gooble, iyo taliyeyaasha nabad sugidda iyo booliska gobolka Banaadir  Yaasiin Farey iyo Farxaan Qaroole, ayaa la faray in ay maxkamadda gacan buuxda ku siiyaan gudashada waajibkeeda.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, wuxuu sheegay in ay jiraan caqabado ay ka cawdeen guddigii horay loogu saaray kiiska Ikraan, kaas oo ah culeys kaga yimid Kooxda Farmaajo iyo Fahad hoggaamiyaan.

Inkastoo, waraaq xalay ka soo baaxay Xukuumadda, kaliya Xeer ilaalinta lagu faray inn ay baaritaan ku sameeyaan eedeaha kaa dhanka ah hoggaanka NISA, ee la xariira Kiiska Ikraan, hadana waxaa caawa mar kale amar la siiyay gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Darajada koowaad Gaashaanle Sare Xassan Cali Nuur Shuute iyo Gudoomiyaha Maxakamadda sare ee ciidamada.

RW Rooble, ayaa u muuqda in ay ka go’an tahay inuu caddaalad u raadiyo qoska Ikraan Tahliil, oo gabadhooda ay af-duubtay hay’adda NISA.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.