KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Sii-hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha, ayaa hoggaanka iyo shaqaalaha hay’adda NISA ku armay in ay Xaafiiska Xeer-ilalinta u fududeeyaan baaritaannada la xariira kiiska Ikraan Tahliil, oo ku maqan gacanta kooxda ahad Yaasiin.
MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa amar adag dul-dhigay dhamaan hoggaanka saraakiisha iyo shaqaalaha hay’adda Nabad-sugidda iyo sir-doonka Qaranka, kadib kormeer uu shalay ku tagay xarunta NISA ee Habar Khadiijo.
Ra’iisul Wasaare Rooble, oo markii ugu horreyay tan iyo shaqo ka raacdeyntii eedeysane Fahad Yaasiin, tagey Xarunta dhexe ee Hay’adda, ayaa sheegay in kiiska Ikraan Tahliil Faarax, uu ku wareejiyay Xeer-ilaaliyaha guud ee Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida, Janaraal Cabdullaahi Buula-kamey.
Wuxuu guud ahaan laamaha kala duwan ee hay’adda NISA, ku amray in ay la shaqeeyaan xeer-ilaaliyaha isla-markaasna loo fududeeyo baaritaannada uu ku howlan yahay ee kiiskaan la xariira.
“Waxaan rabaa in hay’adda NISA ay si hufan ula shaqeyso Xeer-ilaaliyaha, waqti kastana albaabada loo furo, qof kasta oo idanka mid ahna uu si dhow ula shaqeeyo, maxaa yeelay qof kasta oo naga mid ah cadaaladdaas ayuu u baahan yahay, waxaa sidaas farayaa, Wasiirka Amniga, Taliyaha KMG ah ee NISA, iyo dhamaan saraakiisha kala duwan ee hay’adda’. Ayuu yiri RW Rooble.
Hadalka Rooble, ayaa ku soo aaday xilli uu xilka Agaasimaha KMG ah ee hay’adda NISA, haayo, Yaasiin Farey, oo ka mid ah shaqsiyaadka ku eedeysan dilka Ikraan, kaas oo dhawaan Farmaajo iyo Rooble, ku heshiiyeen in uu sii hoggaamiyo hay’adda inta laga soo magacabayo Agaasime cusub.
Wasiirka Amniga Cabdullahi Maxamed Nuur, ayaa dhankiisa markii ugu horreysay tan iyo markii xilka loo magacaabay tagay xarunta Habar Khadiijo.
Ikraan Tahliil Faarax oo ka shaqeyneysay Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka, ayaa markii dad ugu dambeysay lagu arkay muuqaal ay duubtay CCTV iyadoo gurigeeda ka baxday 26-ka bishii June Sanadkan, markaas oo xili habeen ah abaare 8:00 pm gaari Toyota Hulux ah lagu qaadey, kaasoo aaday dhaka Godka Jilicow.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.