RW Rooble oo cambaareeyay weerarkii xalay

Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareeyay weerarkii xalay lagu qaaday saldhiggii booliska degmada Waaberi

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo cambaareeyay weerarkii xalay

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaiya Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareeyay weerarkii lagu dilay qaar kamida saraakiishii booliska Soomaaliyeed.

RW Rooble oo ku sugan waddanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya halkaasoo uu cimro u aaday ayaa waxa uu tacsi usoo diray umadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoysaskii ay ka baxeen saraakiishii xalay lagu laayay saldhigga booliska degmada Waaberi.

"Waxaan cambaareynayaa weerarkii argagixisadu ku qaadeen saldhigga degmada Waaberi. Waxaan qoysaskoodii iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa saraakiishii iyo shacabkii ku naf waayay falkaas argagixiso. Inta dhimatay Allaha u naxariisto dhaawacyadana Allaha bogsiiyo. Falkani waxa uu tusaale cad u yahay sida aysan argagixisadu xurmo ugu hayn dhiigga Shacabka xilligan oo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan." ayuu yiri RW Rooble

RW Rooble ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay isku kaashadaan sidii loola dagaallami lahaa argagaxisada caadeysatay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed waxa uuna yiri "Waa in aan isu kaashannaa la dagaallanka argagixisada noo diiddan in dadkeennu ay nabad ku naalloodaan."

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.