RW Rooble oo dalka ka raacdeeyay Madeira

La-yaabka ugu weyn ayaa ah, inuu ku jeesjeesayo dilkii AUN Xildhibaan Aamino oo 23-kii bishii hore lagu dilay Baladweyne, uuna ku tilmaamayo qarax la mid ah kuwa maalin kasta dhaca, wuxuuna dad u baroor dhiiqaya geerideeda ku tilmaamay kuwo arw-kacsi wada.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo dalka ka raacdeeyay Madeira

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, ku wargaliyay inuu 48 saac gudahood uga baxo dalka, kadib markii uu ku kacay arrimo ka baxsan shaqadiisa.

War ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, lagu wargaliyay in aan looga baahneyn waddanka [Persona non grata], isla-markaana uu xirxirto boorsooyinkiisa.

Rooble, wuxuu Midowga Afrika, ku boorriyay inay dib ugu yeeraan Ambassador Madeira, wuxuuna xusay in Soomaaliya diyaar u tahay in ay la shaqeyso, Madaxa howlgalka cusub ee (ATMIS), kaas oo lagu baddelay howlgalkii Addis ababa hoos tagayay ee AMISOM.

Madaxweynihii hore Farmaajo, oo aan heysan wax sharciyad ah, tan iyo 8 February 2021, isla-markaana ay hore u dhaqan gali waayeen wareegtooyin uu soo saaray, ayaa ka hor yimid go’aanka uu RW Rooble daka uga saaray Francisco Madeira, oo isaga ku daabnaa.

Cod si qarsoodi ah looga duubay Madeira, oo lagu baahiyay Baraha Bulshada, ayaa muujinaya in Danjirahaan ka soo jeeda Mozambique, uu si indho la’aan ah u grab taagnaa Farmaajo, kana shaqeynayay olalihiisa doorashada, taasoo ka baxsan shaqdiisa.

Codka laga duubay Madeira, wuxuu si weyn ugu gafayaa RW Rooble, wuxuu ku dhaleeceynayaa Madaxweynayaashi hore, [Shariif iyo Xasan] halka uu Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, ku eedeynayo in ay meel adag ka istaageen damaca Farmaajo.

La-yaabka ugu weyn ayaa ah, inuu ku jeesjeesayo dilkii AUN Xildhibaan Aamino oo 23-kii bishii hore lagu dilay Baladweyne, uuna ku tilmaamayo qarax la mid ah kuwa maalin kasta dhaca, wuxuuna dadka u baroor dhiiqaya geerideeda ku tilmaamay kuwo arw-kacsi wada.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Dowladda Federaalka Soomaaliya dalka ka raacdeyso Danjirayaal ajaanib ah, waxaana billowgii 2019, la buriyay Nicholas Haysom, oo ahaa wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Lix bil ka hor, ayay aheyd markii Wasaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, dalka ka ceyrisay, ku-xigeenkii Wakiilka Midowga Afrika Simon Mulungo, kaas oo lagu eedeeyay inuu ku kacay dambiyo waaweyn oo is hor istaag baaritaano iyo ballan ka bax ka mid yihiin.

KEYDMEIDA ONLINE

.

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.