KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Cabdi Xaashi oo ah odeyga ugu weyn siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland uguna miisanka culus ayaa dhawaan eedeyn u jeediyay Rooble.
MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabiley Cabdi Xaashi iyo ku-xigeenkiisa Mahdi Guuleed oo u dhaxeeya khilaaf xoog leh oo salka ku haya dhismaha gudiga doorashadda Xildhibaanada Somaliland ku matela Baarlamaanka.
Rooble kala hadlay labada mas'uul sidii lagu dhameyn lahaa khilaafka dhexdooda ah ee keenaya dib u dhaca doorashadda, isagoo ka dalbaday inay isku laabtaan oo si hoose ku xaliyaan muranka ku aadan xubnaha gudiga, oo ka kooban 11.
Khilaafka wuxuu ka taagan yahay saddex kursi oo aga soo magacaabey Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, kuwaasoo Xabdi Xaashi dhawaan sheegay inaysan dhexdhexaad ahayn, oo ay katirsan yihiin shaqaalaha dowladda iyo NISA.
Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa ku eedeeyay Mahdi Guuleed inuu wado xubno taageersan Farmaajo, oo la doonayo inay codadka u musuq-maasuqaan, isagoo ku baaqey in gudiga la dhido mid dhex-dhexaad ah, oo si siman ugu adeega Musharaxiinta kuraasta gobollada waqooyi.
Muranka iyo khilaafka Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed wuxuu sababay in gudiga labo hogaan kala doorto, oo u kala jabo labo garab, waxaana hadda arintooda soo dhex-galay Rooble oo xal u raadinaya.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.