RW Rooble oo hambalyo u diray saxafiyiinta Soomaaliyeed

Sii-hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa hambalyo ku aaddan maalinta Saxaafadda adduunka u diray guud ahaan Saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo hambalyo u diray saxafiyiinta Soomaaliyeed

MUQDISHO, Soomaalia - Sii-hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan maalinta Saxaafadda adduunka ee Sadexda bisha May u diray dhamaan Saxafiyiinta Soomaaliyeed.

“Munaasabadda Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka owgeed, waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan saxafiyiinta Soomaaliyeed”. Ayuu yiri, RW Rooble.

Wuxuu Saxafiyiinta ku amaanay ugana mahad celiyay sida ay ugu dhabar adaygeen in ay dalkooda u adeegaan, iyagoo sanado badan ku shaqeynayay duruufo aad u adag una khatar badan.

“Xukuumaddeydu waxa ay ka shaqeyneysaa in la sii horumariyo jawi ku habboon oo ay saxafiyiintu howlahooda ugu gudan karaan sida ugu wanaagsan iyo in ay helaan xogaha warbaahineed ee ay dowladda uga baahan yihiin”. Ayuu sidoo kale xusay Rooble.

Maxamed Xuseen Rooble, wuxuu sheegay in ay ka go’an tahay dhowridda bad-qabka saxafiyiinta iyo xogsiintooda ay xaqa u leeyihiin xilligan muhiimka ah  ee dalku galayo xaalad doorasho.

Dalka Soomaaliya ayaa ka mid ah waddamada ugu badan ee lagu dhibaateeyo Saxafiyiinta, waxaana labadii todobaad ee la soo dhaafay sare u kacay beegsiga ka dhanka ah Wariyayaasha iyo guud ahaa Warbaahinta.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidamo ka tirsan kuwa booliska Haramcad ay weerar ku qadeen xarunta Warbaahineed ee Mustaqbal Media, halkaas oo ay ka geysteen boob iyo burburin qalab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.