RW Rooble oo ka dhacay qalad xili uu ka hadlayay Shirka SPF

Dad badan ayaa aad ula yaabey aqoon la'aanta Ra'iisul Wasaaraha ee dhinaca Maamul Goboleedyada, isagoo kala garan waayay kuwa katirsan Federaalka iyo Somaliland.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo ka dhacay qalad xili uu ka hadlayay Shirka SPF

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galay qalad ka yaabiyay kasoo qeybgaliyaasha Shirkii Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo lagu qabtay Muqdisho Maanta.

"Horaanta Todobaadka soo socda, Insha Allah waxaan qorsheynaynaa inaan Kulanka Muqdisho kula yeesho dhamaan madaxda Maamul Goboleedyadda isla marka aan kasoo laabto safarkayga Puntland iyo SOMALILAND," ayuu yiri RW Rooble.

Yaab iyo amakaag baa kasoo haray maryida shirka oo Soomaali iyo ajnabi isagu jiray, iyagoo is-waydiiyay Rooble maka dhabbaa wuxuu u socdaa Somaliland mise waxbaa ka qaldan hadalkiisa oo ahaa mid u qoran, oo hubin iyo xaqiijin soo mariyay xafiiskiisa.

Daawo Video: Waxaan kasoo laabtay safarkeyga Somaliland 

Isla sida uu dhahay ayaa lasoo geliyay bartiisa gaarka ee uu Twitter-ka ku leeyahay, iyadoo daqiiqado markii uu ku jiray laga saarey, kadibna lagu soo celiyay iyadoo la saxay, waxaana kala kulmay Rooble hadalkan su'aalo badan, illaa markii dambe cudur-daar bixiyay, isagoo sheegay inuu ahaa qalad afka ka dafay.

Somaliland waxaa horey u booqan waayay Farmaajo, iyadoo uu wado Abiy Axmed, kadib markii Muuse Biixi oo la sheegay inuu ogolaa markii dambe diiday, waayo wuxuu u arkay inay dhaawacayso qadiyadooda qooni u goosadka hadii xalanka Soomaaliya laga taago Madaxtooyadda Hargeysa.

Somalia Partnership Forum waa markii 5aad oo la qabanayo, waxaana sanadkan looga hadlay doorashooyinka muranka ka taagan iyo amaanka oo faraha ka baxay mudadii uu Farmaajo xafiiska joogay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.