RW Rooble oo ku tuntay hesiiskii doorashada ee 27-kii May 2021

Mid ka mid ah labada garab ee guddiga doorashooyinka xildhibaannada gobollada Waqooyi, ayaa eed kulul u jeediyay guddoomiyaha guddiga doorashada heer Federaal iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaaarsiinta Rooble.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo ku tuntay hesiiskii doorashada ee 27-kii May 2021

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulan ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobollada Waqooyi oo xalay ka dhacay Magalada Muqdisho, ayaa lagu qaadacay guud ahaan doorashada la filayo in ay beri ka dhacdo teendhada Afisyoni ee Xarunta ciidanka cirka, taas oo lagu dooranayo guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Gobollada Waqooyi.

Shirkaan oo ay qeyb ka ahaayeen inta badan siyaasiyiinta reer Waqooyi ee bulshadu taqaan ayaa lagu eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xusee n Rooble, in uusan dhexdhexaad ahayn, isla-markaaana uu u janjeero dhanka dharafka uu hor-kacayo Ra’iisul Wasaare ku xigeynkiisa Mahdi Guuleed oo Madaxtooyada ku daaban.

Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa si cad ugu tuntay heshiiskii doorashada ee Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, 27 May 2021 ku gaareen Muqdisho, kadib markii uu dhinacyada ka hor istaagay in ay magacaabaan xubno uu shirkaas xaq u siiyay in ay dhinacyada ka yimaadaan.

Shir Madaxeedkii dhacay dabayaaqadii bishii May, waxaa qodobkii ugu adkaa muranka doorashada loo aqoonsaday khilaafka ka dhex aloosn siyaasiyiinta Soomaaliland ee ay kala hoggaaminayaan guddomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeynka Xukuumadda xil-gaarsiinta Mahdi Guuleed.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa masuul looga dhigay habsami u socodka, doorashooyinka kuraasta Soomaaliland, isagoo talo galinaya Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

Shirkaas waxaa lagu heshiiyay in Guddoomiye Cabdi Xaashi soo magacaabo afar xubnood oo ka mid ah guddiga maamulka doorashada ee kuraasta Soomaaliland ‘SEIT’ Sidoo kale waxaa la isku af-gartay in Cabdi Xaashi soo magacaabo hal xubin oo ka mid ah guddiga maamulka doorashoyinka heer Fadaraal ee Soomaaliland ‘FEIT’ iyo hal xubin oo ah guddiga Khilaafaadka.

Halka uu hadda muranku ka taagan yahay waa labada xubin ee dabne, oo RW Rooble, hor istaagay in Cabdi Xaashi magacaabo, isagoo labada dhinac ku qanciyay in uu isagu magacaabi doono xubno madaxbannaan oo u dhaxeeyay labada daraf.

Hayeeshee, xubnihii uu soo magacaabay RW Xil-gaarsiinta, waxa ay ku lug yeesheen isdoorashadii ay sameeyeen garabka Mahdi Guuleed, taas oo sababtay qeylo-dhaanta darafka kale.

Garabka uu hoggaamiyo Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdulaahi, ayaa sheegay in kaliya ay ka qeyb gali karaan doorashada guddoomiyaha Guddiga, haddii xubnaha labada dhinac la simo oo kaliya Siddeed lagu soo reebo, halka ay hadda 11 ka yihin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.