KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Kulankan ayaa kusoo aadaya xili Xukuumadda ay wado dedaallo gargaar bini'aadanimo loogu raadinayo fatahaadaha Shabeellaha Dhexe.
MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa kulan gaar ah xafiiskiisa Villa Somalia kula qaatey ergayga QM James Swan, oo ay kawada hadleen arrimo dhowr ah oo la xiriira xaaladda hadda dalka uu ku jiro.
Afhayeen u hadlay Xukuumadda ayaa sheegay in labada dhinac ay ka hadleen horumarada laga sameeyay howsha doorashadda ee uu madaxda u yahay Rooble, fatahaadda Shabeellaha Dhexe iyo Covid-19, oo ah dhibaatooyin u baahan hadda in wax laga qabto.
Rooble ayaa ka dalbaday James Swan inuu isku daba-rido taageeradda beesha Caalamka ee Soomaaliya hadda u baahan tahay, hadii ay ahaan lahayd doorashadda dhaqaalihii lagu qabana lahaa, gargaarka bini'aadanimo iyo talaalka Covid-19.
James Swan ayaa sheegay inay ka go'antahay xafiiskiisa inuu ka shaqeeyo dalabka Rooble, oo uu tilmaamay in beesha caalamka diyaar u tahay inay caawiso Soomaaliya, islamarkaana garab istaagto dowladda sidii looga bihi lahaa xaalada taagan.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.