RW Rooble oo la kulmay qoyska Ikraan Tahliil

Rooble ayaa qoyska Ikraan u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay in ay helaan caddaalad, uuna qaadi doono tallaabooyin lagama maarmaanka ah si arrintaas loo caddeeyo.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo la kulmay qoyska Ikraan Tahliil

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la kulmay qoyska Ikraan Tahliil oo ay wehliyaan xubno ka tirsan ehellada Ikraan Tahliil Faarax.

Waxa la uu la wadaagay dareenkiisa iyo sida uu uga xun yahay waxa ku dhacay gabadhooda oo hay’adda Sirdoonka Soomaaliya sheegtay inay dileen Al-Shabaab, hayeshee Al-Shabaab ayaa iska fogeysay eedeynta ah in ay iyagu dileen Ikraan.

Rooble ayaa qoyska Ikraan u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay in ay helaan caddaalad, uuna qaadi doono tallaabooyin lagama maarmaanka ah si arrintaas loo caddeeyo.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi oo ah Ugaaska beesha Gaaljecel, oo ah beesha ay kasoo jeedo Ikraan Tahliil Faarax oo ka dalbaday Rooble in gadhabooda meel loogu sheego.

Booqashada uu Ra’iisul Wasaare Rooble ugu yimid 24 saac kaddib markii uu sheegay inuusan ku qancin xogta NISA ay ku sheegtay in Al-Shabaab ay dileen Ikraan, uuna ka dalbaday in 48 saac ay ugu soo gudbiyaan warbixin dhammeystiran.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in go’aan wax ku ool ah uu Rooble ka qaato Fahad iyo kooxdiisa oo ay ku maqan tahay Ikraan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.