RW Rooble oo macasalaameeyay Golihiisa Wasiirrada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee shaqada ka sii tagaya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoomiyay shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Xil-gaarsiinta.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo macasalaameeyay Golihiisa Wasiirrada

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha xilka ka soo degaya ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta guddoomiyay shirkii ugu dambeeyay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Xil-gaarsiinta, kaas oo dib loogu eegay howlihii qabsoomay tan iyo markii ay October 24, 2020 heleen kalsoonida Golayaasha Baarlamaankii 10-aad ee JFS.

Kulanka wuxuu gunaanud u ahaa kulamadii uu garwadeynka ka ahaa RW Rooble, kaas oo Wasiirrada ugu mahadceliyay sidii ay ugala soo shaqeeyeen in ay dalka ka qabsoonto doorasho la oggol yahay oo ugu danbeyn si nabad ah ku soo gabagabowday, isagoo kula dardaarmay sii wadista howlaha qaranka iyo gacan siinta Ra’iisul Wasaaraha cusub.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, wuxuu tiir dhexaad u ahaa doorashooyinkii dalka ka dhacay, isagoo looga mahad celinayo inuu udubyada u siiibay, Kooxdii Farmaajo iyo Fahad hoggaaminayeen, kuwaas oo muraq iyo maalba isugu dayayay in ay hoggaanka dalka sii heystaan, isla-markaana aysan waddanka ka qabsoomin wax doorasho ah.

Rooble, wuxuu bannaanka dhigay Fahad Yaasiin, oo ahaa shaqsiga daaha gadaashiisa mushkiladaha siyaasadeed ka maleegi jiray, kaasoo hadda maxakamad suge ku ah dalka bannaankiisa, sidoo kale wuxuu intii uu xafiiska joogay waqti ku bixyay in aysan xiisadaha siyaasadeed xasarado isku baddelin, taas oo Farmaajo iyo Fahad doonayen.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen, wuxuu dib u soo nooleeyay xariirradii dalalkii saaxiibka la ahaa Soomaaliya ee Farmaajo cilaaqaadkooda dano shaqsiyadeed u xumeeyay, kuwaasoo ay ugu horreeyaan Isku-tagga Imaaraadka Carabta, Masar iyo Kenya, wuxuuna diir-nax iyo dareen ka muujiyay dhacdoowin waaweyn oo dalka ka dhacay.

Waxaa jira warar hoose oo sheegaya in Ra’iisul Wasaare Rooble, noqon doono safiirka Soomaaliya ee dalka Imaaraadka Carabta, sida aan ku baahinnay xog ay Keydmedia Online qortay 5 June 2022, Madaxweynaha dalkaas, Sheikh Maxamed Bin Zayid, Maaxweyne Xasan ka codsaday in Rooble laga dhigo, danjiraha Soomaaliya u magacaabeyso Ubu Dhabi.

Imaaraadku waxa ay sheegeen in RW Rooble, masuul ka ahaa, dib u soo nooleynta xiriirka Diblumaasiyadeed ee labada dal, kadib shan sano oo Farmaajo si ula kac ah u xumeynayay cilaaqaadka labada waddan, sidaas awged uu muhiim u yahay sii amba qaadidda xoojinta xiriirka dalalkaan oo ku wada jira Jaamacadda Carabta.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.