RW Rooble oo qaatey Go’aan ku aadan Siyaasadda Dibadda

Farmaajo ayaa xumeeyay xiriirka dibadda, isagoo gooyay cilaaqaadka dalalkii sida aadka u garab istaagey Soomaaliya mudadii burburka ku jirtay.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo qaatey Go’aan ku aadan Siyaasadda Dibadda

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Maanta shaaciyay inuu qaatey go'aan uu ku saxayo siyaasadda arrimaha dibadda.

Soomaaliya waxay ku dhaqmeyso siyaasad arrimo dibadeed ku saleysan halka ay ku jirto maslaxadda Ummadda. Suurto gal ma ahan in Soomaaliya ay colaadiso dalal ay kala dhexeeyaan dano badan" ayuu yiri Rooble.

Waxuu sheegay in Soomaaliya ay dib usoo nooleyn doonto xiriirka dalalka uu xumeeyay Farmaajo, kuwaasoo ugu horeeyaan Imaaraadka iyo Sacuudiga, oo Fahad Yaasiin la dagaalay.

Rooble ayaa 7 maalmood kahor si cad raali-gelin uga siiyay Imaaraadka lacagtii $9.6 milyan dollar Garoonka Muqdisho looga qabtay April 2018, taasoo uu sheegay in dib loo celin doono.

MD hore Farmaajo ayaa diiday in lacagta laga bixiyo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, iyadoo uu ku amray Gudoomiyaha inuusan u hogaansamin amarka Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda.

Imaaraadka ayaa isaga baxay magaaladda Muqdisho 2018 markii lacagta laga qabtay, waxaana uu joojiyay tababarkii Ciidamada xoogga dalka, oo xerada Jen Gordon ku siin jiray.

Qatar ayaa Imaaraadka uga gacan-sareysay Soomaaliya mudadii Farmaajo Madaxweynaha ahaa, waxaana uga wakiil ah fulinta danaha Doha Fahad Yaasiin, oo Sirdoonkeeda katirsan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.