RW Rooble oo raacdeeyay Cabdisiciid Muuse

Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya, ayaa wax kama jiraan ka soo qaaday, go’aan ay  Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku fasaxday Markab waday dhuxul sharci daro, waxuuna shaqo ka joojin ku sameeyay Wasiirkii Wasaaraddaas.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo raacdeeyay Cabdisiciid Muuse

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa shaqada ka joojiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdisiciid Muuse Cali, kadib markii ay ku caddaatay inuu fasaxay markab siday dhuxul si sharci darro ah looga dhoofiyay Soomaaliya oo ku xiran xeebaha dalka Cummaan.

Ra’iisul Wasaaraha Rooble, wuxuu buriyay (baabi'iyay) Warqadaha Summadahoodu kala yihiin: REF: MFA/FRS/DA/4284/2022, ee ku taariikheysan 21/05/2022 iyo REF: MFA/FRS/DA/3992/2022 ee ku taariikheysan 10/05/2022, oo Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ku fasaxday markab siday dhuxusha sharci darrada ah.

Sidoo kale, xafiiska Hantidhowraha Qaranka iyo Hay'adaha amnigu, ayuu ku amray in ay baaritaan ku sameeyaan falkan iyo sidii uu u dhacay ayna u gudbiyaan hay'daha garsoorka ee ku shaqada leh, si loola xisaabtamo Cabdisiciid, oo maraakiib dhuxul ah ka raray Kismaayo billowgii sanadkaan, maalmo kadib markii loo dhiibay xilka.

Cabdisiciid, oo ugu horreeya, shaqsiyaadka siyaasadda ugu jira, xooleysiga, kooxeysiga iyo kala aarsiga, ayaa la aaminsan yahay inuu muddo qeyb ka ahaa kooxaha xaalufiya dhirta Soomaaliya, waxaana u sii dheer, inuu qeyb ka ahaa, shaqsiyaad Farmaajo u adeegayay shantii sano ee la soo dhaafay, qeybna ka ahaa mushkiladihii dalka.

“Ra'iisul Wasaaruhu waxa uu shaqada ka joojiyay Wasiirka Arrimaha dibadda XFS, Cabdisaciid Muuse Cali laga bilaabo 24/05/2022”. Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Shalay ayay ahayd, markii ay bannaanka u soo baxday, Waraaq ku taariikeysan 14/05/2022,  oo uu ku saxiixan yahay Ra’iisul Wasaare Rooble, taas Cabdisiciid, lagu wargaliyay in laga bilaabo 1 Janaayo 2022, shaqaalaha Dowladda ee la beddelay ama shaqada laga qaaday aanay waafaqsaneyn go’aankii Golaha Wasiirrada.

Labadii bilood ee la soo dhaafay, xaafiiska Cabdisiciid, ayaa ahaa mid aad u mashquul badan, waxaana la shaqaaleysiiyay dhallinyardii ugu badnayd, oo intooda badan ka soo jeedaan, Sool, Sanaag, Mudug iyo Gedo, hayeeshee, go’aanka Ra’iisul Wasaaraha ayaa meesha ka saaraya shaqo ka joojinta aan sharciga waafaqsaneyn.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.