RW Rooble oo taageeray go’aanka Guudlaawe

Guudlaawe ayaa xilka ka qaadey gudoomiyihii Gudiga doorashadda HirShabeelle Axmed Xasan Diini, oo lagu eedeeyay inuu qalalaase ka abuurey doorashadda Beledweyne.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo taageeray go’aanka Guudlaawe

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa u hambalyeeyay Maxamed Xuseen Maxamed oo xubin ka noqday Guddiga Doorashada ee Hirshabelle kaas oo badalaya Axmed Xasan Diini, oo Guudlaawe uu xilkii ka qaadey.

Diini ayaa ahaa gudoomiyaha SEIT ee HirShabeelle, waxaana xilka qaadistiisa ay timid kadib markii uu soo saarey liiska odayaasha iyo bulshada rayidka ee soo xulaya Xildhibaanada xili aan weli xal laga gaarin khilaafka doorashadda Beledweyne.

Ra’iisul Wasaaraha oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxwaynaha Hirshabeelle Ali Gudlawe Hussein ayay ka wada hadleen in kuraasta Xildhibaannada ee taalla Baladwayne loogu tartamo si furan isla markaana aan shaqsi gaar ah loo xirin.

Rooble ayaa ugu baaqey Madaxda Jubaland iyo Hirshabeelle in ay sida ugu dhaqsaha badan u soo dhammaystiraan Kuraasta Golaha Shacabka ee harsan, oo dib uga dhacay waqtigii loo asteeyay ee 15-ka Maarso.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.