RW Rooble oo u safraya dalalka Qatar iyo Jabuuti

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku sii jeeda dalka Qatar, kaddib markii uu martiqaad rasmi ah uu ka helay Amiirka Qatar.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo u safraya dalalka Qatar iyo Jabuuti

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa la filayaa inuu maanta u ambabaxo dalka Qatar, kaib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay amiirka dalkaas Tamim bin Hamad.

Wafitiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Rooble, oo ay ku jiraan xubno kooban oo ka tirsan Golihiisa Wasiirada ayaa sidoo kale la filayaa inuu cagta soo mariyo dalka Jabuuti, kadib casuumaad uu ka helay Madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle.

RW Rooble, wuxuu hore, ugu socdaalay, dalalka Jabuuti, Kenya, Masar iyo Sucuudga, wuxaana dib u dhacay safarro uu ku tagi lahaa dalalka Imaaraadka iyo Sucuudiga, oo qudhoodu u soo diray casuumaad ay ku wehli lahaayeen Madaxda Maamullada dalka.

Maxamed Xuseen Rooble, oo hoggaaminaya amniga iyo doorashooyinka dalka, ayaa la rumeysan yahay inuu baadi goobayo dhaqaale lagu dhameystiro doorashada, kadib markii waddamada dibaddu hakiyeen lacagihii ay ku kaabi jireen Dowladda Federaalka.

Dowladda Qatar, waxa ay afartii sano ee la soo dhaafay dhaqaalo xooggan ku taageertay nidaamkii Farmaajo, oo uu garwadeyn uga ahaa, eedeysane, Fahad Yaasiin, kaas oo xilkii agaasimaha NISA, uu ka raacdeeyay RW Rooble, kadib markii lagu eedeeyay af-duubka iyo dilka kiiska Ikraan Tahliil.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.