KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in 10 maalmood la dhaafay mudadii la qorsheeyay in lagu soo gudbiyo xubnaha ugu matelaya Maamul Goboleedya Guddiyada doorashooyinka.
MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa warqad u diray Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo HirShabeelle, isagoo ka dalbaday in ugu dambeyn 20-ka bishan kusoo gudbiyaan magacyada xubnaha ugu matelaya gudiyadda doorashoorinka.
Warqadda oo kasoo baxday maanta xafiiska Rooble ayaa lagu sheegay in waqtigii horey looga sugayay Maamullada xubnaha ay ahayd 10-kii bishan, isagoo u qabtay 3 maalmood oo ugu dambeyn ah inay kusoo gudbiyaan liiska.
Maamul kasta ayaa la siiyay labo xubnood gudiyada heer Federaal, heer dawlad Goboleed iyo midka xalinta khilaafaadka, oo aan wali la dhisin, iyadoo waqtiga doorashadda lagu soo dhawaanayo.
Sidoo kale, Rooble ayaa la filayaa inuu dhawaan ku dhawaaqo Gollaha Wasiiradda, oo mudo hal bil laga sugayay, iyadoo ay jiraan caqabado uu kala kulmay Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, oo raba in xubno katirsanaa xukuumaddii Khayre lasoo celiyo.
HALKAN KA AKHRI QORAALKA:
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.