RW Xamsa oo ahmiyad gaar ah siinaya gurmadka abaaraha

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa, ayaa sheegay in Xukuumaddiidu ahmiyad gaar ah siindoontaa sidii loo laba dardar galin lahaa dadaallada loogu gurmanaayo dadkeena abaaruhu saameeyeen ee xilligaan u bahan gurmadka degdegga ah.

Warar Keydmedia Online
RW Xamsa oo ahmiyad gaar ah siinaya gurmadka abaaraha

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliye Xamse Cabdi Barre  oo shalay helay codka kalsoonida Baarlamaanka ayaa sheegay in Xukuumadda uu soo dhisi doono ay ahmiyad gaar ah siin doonto sidii loo laba jibaari lahaa dadaalada loogu gurmanaayo dadka abaaruhu sida daran u saameeyeen.

RW Xamsa oo ka qeyb galayay munaasabad lagu xusayay 62 guuradii ka soo wareegtay markii ay xorriyadda qaateen gobollada waqooyi ee Soomaaliya, ayaa sheegay in  Xukuumaddiisu qorshayaal cad-cad oo xal waara ah ka yeelan doonto guud ahaan ka jawaabista musiibooyinka qaran.

Ku dhawaad 8 Milyan oo Soomaali ah ay abaaruhu saameeyeen, waxaana taagan xaalado bini’adannimo oo ka jawaabid degdeg ah u baahan, halka hal malyan iyo bar ka mid ah dadkaas abaaruhu saameeyeen ay yihiin carruur, kuwaas oo 400,000 oo ka mid ah ay nafa-darro hadda wajahayaan.

Abaarta hadda jirta ayaa la sheegay in ay ka daran tahay middii 2011 oo rubac malyan dad ah ku naf-waayeen, isla-markaana la xusay in ay tahay abaartii ugu darneyd ee dalka ka dhacda muddo 40 sano ah, waana lama huraan in ay wax ka qabashadeedu ugu hor marto howlaha hortabinta u leh Xasan iyo Xamsa.

“Xukuumaddaydu waxay ahmiyad gaar ah siindoontaa sidii loo laba jibaari lahaa dadaalada loogu gurmanaayo dadkeena abaartu saameysay. Inagoo ka yeelan doonaa qorshayaal cad-cad oo lagu sameeynaayo xal waara iyo in dalka loogu diyaariyo inuu awood u yeesho ka jawaabista musiibooyinka qaran.” Ayuu yiri RW Xamsa.

Dhanka kale, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa amray in la baajiyo oo aan la ridin Bulalayer ama FIREWORKS, kaas oo 60,000 oo Dollar  ku bixi jirtey, habeennada dabadaal degga, lacagtaas ayaa weeciyay abaaraha.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa hore u soo jeediyay in sanadkaan hoos loo dhigo xuska maalmaha xoriyadda maadaama ay dalka ka taagan tahay abaar xoogan oo malaayiin ruux saameysay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.