RW Xamza oo afar indhood ku eegaya amniga Caasiamdda

Waxaa ka dhacay Muqdisho mudooyinkii dambe dhowr weerar, oo ugu dambeeyay mid lagu qaadey Villa Rays hotel, oo aan ka fogeyn meesha uu ku taallo Madaxtooyadda.

Warar Keydmedia Online
RW Xamza oo afar indhood ku eegaya amniga Caasiamdda

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xamza ayaa usoo tafa-xaytay wax ka qabashadda amni darrada Muqdisho, maadaama ay mas'uuliyadda saaran tahay Xukuumaddiisa, aan wali sanad jirsan.

Wuxuu kulan isagu yeeray Duqa Muqdisho iyo mas'uuliyiinta laamaha amniga, oo kala shiray sidii looga dhigi lahaa magaaladda mid xasiloon, oo muwaadinka cabsi la'aan ku noolaan karo.

Xamza ayaa mas'uuliyiinta uu la kulmay u sheegay in sida hadda xaaladdu ay tahay aan macquul ahayn in lagu fiirsado, maadaama dalka uu ku jiro marxalad dagaal, oo Al-Shabaab xoogga saareyso weerarada Muqdisho.

Waxa uu guddoonka gobolka u sheegay muhiimadda ay leedahay in feejignaan dheeri ah la sameeyo, sarana loo qaado dadaallada lagu horumarinayo amniga, maadaama kooxda Khawaarijta lagu soo jebiyay gobollada dalka ayna suuragal tahay inay ku soo dhuuntaan magaalooyinka oo ay caasimaddu ugu horreyso.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay maamulka cusub ee gobolka inay abaabulaan bulshada oo ay ku baraarujiyaan halista kooxda Khawaarijta ah si bulshada kaalinteeda u qaadato oo laamaha amniga iyo maamulka gobolka ay garab ugu siiyaan ciribtirka argagaxisada

Waxaa ka dhacay Muqdisho mudooyinkii dambe dhowr weerar, oo ugu dambeeyay mid lagu qaadey Villa Rays hotel, oo aan ka fogeyn meesha ay ku taallo Madaxtooyadda Villa Somalia.

Su'aallo badan ayaa amniga Muqdisho ka taagan, waxaan jirin xafiis si gaar ah loogula xisaabtamo, iyadoo maamulka gobolka Banaadir uu sheegay in hadii aan la hooskeenin, ay noqonayso mas'uuliyadda mid isku-tuur-tuur ah.

Booliska iyo Nabad Sugida kama amar-qaataan duqa Muqdisho, mana u taliyo, taasoo keentay is-barbar yaac, waxaana tani sababtay in aan la isku xisaabtamin wixii qaraxyo iyo shirqoollo ahaa ee dhacay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.