RW Xamza oo ka gudbay caqabadii 1aad

Sheekh Aadan Madoobe ayaa shaaciyay in dhamaan Xildhibaanada ay aqbaleen maacaabista Ra'iisul Wasaaraha cusub, oo noqonaya midkii 21aad oo soo mara dalka.

Warar Keydmedia Online
RW Xamza oo ka gudbay caqabadii 1aad

MUQDISHO, Soomaaliya - Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta meel-mariyay magacaabista Ra'iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, oo dhawaan Xasan Sheekh xilka usoo xushay inuu qabto.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay in dhamaan Xildhibaanadii kulanka soo xaadiray Maanta oo gaarayay 220 ay si aqlabiyad leh kalsoonida ku siiyeen Ra'iisul Wasaaraha cusub.

Xamza ayaa ah xubin katirsan Xisbiga UPD ee Xasan Sheekh uu aas-aasay, wuxuuna kasoo jeedaa Beesha Ogaadeen, oo Axmed Madoobe ka dhashay. Waxaa la filayaa inuu dhawaan soo dhiso Gollaha Wasiiradda, oo sidoo kale Baarlamaanka la horkeeni doono, si ay u ansiyaan.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa horyaalla Caqabado badan, oo laga filayo inuu wax ka qabto, iyadoo dowladda cusub la kowsatay abaar daran oo dalka ka jirta, taasoo qarka u saaraan inay isku bedesho macluul lamid ah midii 2011.

Xasan Sheekh ayaa kusoo galgalay ololaha doorashadda Soomaaliya oo heshiis ah, dunidana heshiis la ah, waana balan-qaad laga sugayo inuu fuliyo afarta sano ee uu jooga Villa Somalia.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.