RW Xamza oo safar kedis ah ku tagey Aadan Yabaal

Wafdiga ayaa ka duulay Muqdisho Saakay, waxaana uu ku tagey Aadan Yabaal diyaarad nooca helicopter-ka ah, iyadoo amniga aad loo adkeeyay.

Warar Keydmedia Online
RW Xamza oo safar kedis ah ku tagey Aadan Yabaal

AADAN YABAAL - Ra'iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa maanta geerey degmada Aadan Yabaal, ee gobolka Shabeellaha Dhexe, oo dhawaan dowladda kala wareegtay Al-Shabaab.

Waxaa kusoo dhaweeyay degmada Madaxweynaha HirShabeelle, Cali Guudlaawe, iyadoo Xamza uu kulan ka yeeshay Saraakiisha Ciidanka xoogga ee howlgalka hogaaminaysa.

Ujeedka safarka ayaa ah in uu sare u qaadey niyadda Ciidanka dagaalka kula jira Al-Shabaab, kuwaasoo taageero ka helaya dadka degaanka oo hubka u qaatey inay xoreystaan degaanadooda.

Al-Shabaab ayaa laga saarey Aadan Yabaal iyo degaanno kale oo gobolka Sh/Dhexe katirsan mudo kooban, waxaana tani ay qeyb ka tahay jabka soo gaarey Kooxda oo dhul badan laga saarey.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan boqoday gobolka, isagoo tagey Masjidka Cali Gaduud iyo Cadalla, isagoo bogaadiyay horumarka laga sameeyay dagaalka socda.

Aadan Yabaal oo 220KM dhanka waqooyi Muqdisho uga beegan ayaa waxay 15 sano ku jirtay gacanta Al-Shabaab, iyadoo u ahayd meel xarun u ah oo lagu diyaariyo weerarada Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.