Saadaq Joon oo dib u helay darajooyinkiisii ciidan

Taliyahii hore ee booliska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon), ayaa hadda ku fadhiya kursiga Golaha shacabka ee tirsigiisu tahay HOP248, kaasoo uu u xiray Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Warar Keydmedia Online
Saadaq Joon oo dib u helay darajooyinkiisii ciidan

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Mohamed (Joon) dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa Booliska Soomaaliyeed.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Villa Somalia Madaxweynaha oo ka duulaya sharciga dhismaha Ciidanka Booliska ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay in Booliska Soomaaliyeed saldhig u yahay hannaanka dimuqraadiyadeed iyo ilaalinta sharciga dalka.

"Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Maxamed, laga bilaabo maanta oo aan saxiixay xeerkan Madaxweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xuquuqda ciidan ee sharcigu uu u ogolyahay, iyadoo xeerkani uu baab’inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyey.” Ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 13 April 2021, sheegay inuu Xeer Madaxweyne xilkii iyo darajadii kaga qaaday S/G, Saadaq Joon, kadib markii uu diiday inuu qeyb ka noqdo saraakiil Farmaajo garab ku siineysay muddo kordhintii fashilantay.

Taliyahii hore ee booliska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon), ayaa hadda ku fadhiya kursiga Golaha shacabka ee tirsigiisu tahay HOP248, kaasoo uu u xiray Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Xogta Saadaq Joon

Dhamaadkii 2020, QM ayaa sheegtay in Saadaq Joon, lagu waayay caddeyn tuhun la xiriira inuu xiriir la leeyahay Al-Shabaab, kadib markii Kooxda la socodka cunaqabateynta Soomaaliya iyo Ereteriya, ay ku eedeeyeen inuu xiriir la leeyahay Al-qaacida.

12 April 2021, Saadaq ayaa laga xuyuubiyay jagadii uu hayay ee taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Benaadir, kaddib markii uu is hor istaagay fadhigii Golaha Shacabka BJFS oo doonayay in ay muddo kordhin sharci-darro ah u sameeeyaan Farmaajo.

13 April 2021, war lagu faafiyay warbaahinta Dowladda, ayaa lagu sheegay in Farmaajo uu Xeer Madaxweyne xilkii iyo darajadii kaga qaaday S/G, Saadaq, kadib markii uu diiday inuu qeyb ka noqdo saraakiil Farmaajo garab ku siineysay muddo kordhintii fashilantay.

14 April 2021, Joon, ayaa fariisin ciidan ka sameystay Xaafadda Shiirkole ee degmada Hodan, kadib markii Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, amreen in la xiro, waxayna taasi sababtay kacdoon bulsho, uu ugu danbeyn soo af-jaray rajadii muddo kordhinta.

Bartamihii July 2021, Saadaq, ayaa qabsaday baraha bulshada, kadib markii la ogaaday inuu ka mid yahay hoggaanka ciidamadii huwanta ahaa ee howlgalka xooggan maalmahaas ka waday degaannada dhaca koofurta iyo bariga Gobolka Mudug.

2 August 2021, ciidan uu sarkaalkaan hor kacayo ayaa la wareegay degaanka Camaara ee gobolka Mudug oo in muddo ah ay ka talinayeen Kooxda Al-Shabaab, wuxuuna cagta mariyay fariiso xooggan oo Al-Qaacidada geeska afrika ku lahaayeen Mudug.

Saadaq Cumar, wuxuu ka mid ahaa, saraakiil muddo dheer la soo shaqeyneysay F&F, wuxuuna ku lug lahaa xasuuqii 17 December 2017, ka dhacay xarunta Xisbiga Wadajir, halkaas oo lagu laayay ilaaladii hoggaamiyaha Xisbiga, Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.