Saameynta Go’aanada qar iska-tuurnimada Farmaajo

Mudadii afarta sano ee uu Villa Somalia joogay, wuxuu Farmaajo galay dembiyo kala duwan, isagoo dalka geliyay marxalad caburin iyo afduub ah.

Warar Keydmedia Online
Saameynta Go’aanada qar iska-tuurnimada Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Xaaladda Soomaaliya ku jirto hadda waxay ka dhalatay go'aannada qar iska-tuurnimadda Farmaajo uu sameeyay mudadii talada hayay 2017-2021.

Mudo 8 maalmood ah ayaa uga haray xukunka, muxuu dalka uga tagayaa oo lagu soo xasuusan doonaa? Farmaajo wax wanaagsan kama tagayo, waxay shacabka ku xasuusan doonaan kaliya kaligii-talisnimadda, iyo fashilka amniga, doorasho xor iyo xalaal ah, Ciidan dhisan, Siyaadda dibadda iyo mida gudaha.

Kenya ayuu xiriirka u jaray micno la'aan, wuxuuna la dagaalay Jabuuti, iyadoo dalalkii Carabta ee taageeri jiray Soomaaliya sida Sacuudiga iyo Imaaraad uu ka doortay Qatar oo waligeed hal Ceel ka qodon dalka.

Wuxuu cadow Soomaaliya Itoobiya u dhiibay Qalbi Dhagax, wuxuu kumanaan Caruur ah ka waday waalidnkooda iyagoo aan ogeyn ku qalday shaqo Qatar laga siinayo, kuwaasoo hadda la sheegay in lagu laayay gobolka Tigreegga.

Muqdisho waxaa ka dhacay Oct 14, 2017 qaraxii ugu waynaa oo Adduunka ka dhacay kadib 11 Sep 2011 kuwaasoo lagu qaaday Mareykanka, waxuu ka dhashay fashilka amniga maamulka Farmaajo.

Al-Shabaab waxay Muqdisho usoo jirsatay 30-KM halka markii uu imaanayay Farmaajo lagula dagaalamayay meel Caasimadda 200-KM u jirta, taasina waxay ku dhacday inuu Ciidankii qabiil ku kala qeybiyay, oo taliyeyaasha ka dhigay Mareexaan.

Go'aankiisa ugu dambeeyay wuxuu ahaa 13-ka Kursiga ee gobolka Banaadir ee Aqalka Sare, taasoo dhalisay dooda dhanka dastuurka ah, maadaama ay jebinayso 79-aad oo dhigaya in aan la kordhin karin kuraasta Baarlamaanka illaa isbedel lagu sameeyo Dastuurka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.