KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Tallaabadaan waxa ay ka dhigan tahay in la raafi doono shacabka koofureed ee ku dhaqan magaalada dekedda leh ee Berbera iyo sidoo kale, magaalada taariikhiga ah ee Sheekh.
SAAXIL, Soomaaliya - Guddoomiyaha gobolka Saaxil oo ka mid ah gobollada ay Soomaaliland yab-yabtay ee aan hore ugu jirin 18-ka gobol ee dalka, ayaa ku dhawaaqay in dadka ka soo jeeda koofurta iyo bartaha dalka dib loogu celinayo si degdeg ah.
Axmed Maxamed, guddoomiyaha gobolka, oo muuqaal baahiyaha la hadlay, ayaa sheegay, in maamulka gobolka Saaxil la siiyay amr ku aaddan in ay raafaan oo dib gobolladii ay ka yimaadeen ugu celiyaan shacabka dan-yarta ah ee ka soo jeeda koofurta.
Wuxuu sheegay in go’aankaan, uu la xariiro amniga, isla-markaana Soomaaliland oo dhan uu ka dhaqan galyo, waqtiga gaar ah ma uusan iclaamin, wuxuuse xusay in xilliga ugu habboon ay ku dhawaaqi doonaan masaafuriska.
“Ciddii loo arko in ay nabad galyada khatar ku tahay waa in la saaro”, ayuu yiri Axmed Maxamed.
Tallaabadaan waxa ay ka dhigan tahay in la raafi doono shacabka koofureed ee ku dhaqan magaalada dekedda leh ee Berbera iyo sidoo kale, magaalada taariikhiga ah ee Sheekh.
Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Sanaag Maxamed Khaliif Nuur, aya dhankiisa hore amar ku bixiyay in dadka ka soo jeeda koofurta Soomaaliya, isaga baxaan gobolka 14 maalin gudahood.
Gobolka Sool, ayaa si weyn loogu dhibaateeyay dad aan waxba galabsan, halka Awdal dhankiisa dadka loo qabtay 14 maalin in ay ku guuraan.
Shantii bishaan, Soomaaliland waxa ay sheegtay, in go'aanka musaafurinta tiro shakhsiyaad ah oo ka soo jeeda Koofurta Soomaaliya, ay ku yimid arrimo la xiriira amniga, oo ay ku jiraan codsiyo ka yimid bulshooyinka degaanka.
Maamulka Somaliland oo gooni isku taag ku dhawaaqay sanadkii 1991-kii ayaa meelaha uu ka arimiyo waxaa lagu tiriyaa goobaha Soomaaliya ugu amniga badan, waxana dad badan oo ka soo jeeda Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay daruufaha amniga iyo isbadalka cimilada ku xanbaareen in ay maciisadan degaannada Maamulkaasi.
KEEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.