Sacdiyo iyo Sanyare oo usha u haya Xildhibaannada Puntland

Sacdiyo, waxaa lagu xasuustaa, hadal jeedinteedii maalintaas iyo baaqii ay u dirtay dadka ka soo jeeda Muqdisho, ee ku addanaa in ay iska dul-qaadaan rajiimka Farmaajo, oo markaas muddo kororsi sharco darro ah u dig iyo dab lahaa.

Warar Keydmedia Online
Sacdiyo iyo Sanyare oo usha u haya Xildhibaannada Puntland

GAROWE, Soomaaliya – Maamulka Gobolleeda Puntland ayaa markiisa soo gabagabeeyay doorashada kuraasta Baarlamaanka 11-aad ee JFS, kadib lix xildhibaan oo maanta ka soo baxay magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Xubnaha maanta ka soo baxay Puntland, waxaa ka mid ah, Xildhibaan Sacdiyo Xaaji Yaasiin, oo shanti sano ee la soo dhaafay, si adag uga soo hor jeedday nidaamka Farmaajo, kuna dadaashay in dalku uusan dib ugu laaban gacan kali talis.

Xildhibaan Sacdiyo, waxa ay qeyb ka ahayd, shaqsiyaad fara ku tiris ah, oo Feb 6, 2021, madaharaad ka dhigay gudaha xarunta golaha shacabka, xilli Farmaajo, ka jeedinayay, qudbad uu ku xalaaleysanayay muddo kordhin uu damacsanaa.

Sacdiyo, waxaa lagu xasuustaa, hadal jeedinteedii maalintaas iyo baaqii ay u dirtay dadka ka soo jeeda Muqdisho, ee ku addanaa in ay iska dul-qaadaan rajiimka Farmaajo, oo markaas muddo kororsi sharco darro ah u dig iyo dab lahaa.

Sidoo kale, xildhibaannada maanta ka soo baxay Garowe, waxaa ka mid ah, Cabdiladiif Muuse Nuur, Guddoomiyiha gobolka Mudug, [Dhanka Puntland], isla-markaana ku magacaaban, Xoghayaha Arrimaha Siyaasadda ee Xisbiga Wadajir.

Sanyare, wuxuu qeyb ka ahaa, dadkii ka soo hor jeeday Farmaajo, wuxuuna si adag ula dagaallamay Al-Shabaabka ku sugan gobolka Mudug, gaar ahaan Gaalkacyo, halkaas oo lagu toogtay tiradii ugu badneyd xubno ka tirsan Kooxdaas hal mar.

Soo bixidda Sacdiyo iyo Sanyare, waxa ay la mid tahay, dib u doorashadii Cabdiraxmaan Odawaa, Cabdinaasir Shuuriye iyo Mahad Salaad, kuwaas halgan adag kadib, difaacday kuraastoodii taallay Galmudug oo ah maamul Farmaajo maamulo.

Cismaan Cali Yuusuf, Eng Maxamed C.laahi Kayse, Cabdullaahi Maxamed Jaamac iyo Cabdirisaaq Xasan Ahmed, ayaa dhankooda maanta lagu doortay Garowe, taas oo ka dhigan in Puntland soo gabagabeysay Doorashooynkii Baarlamaanka.

Illa hadda, 242 kursi oo Golaha Shacabka ah ayaa la doortay, kuwaas oo 50 ka mid ah haween yihiin, kuraastaas, waxaa ka mid ah afar kursi oo FIEIT hakisay doorashadooda, 33 kursi ayaana baaqi ka ah 275 kursi ee Aqalka hoose.

Galmudug, Hirshabeelle, Waqooyi iyo Banaadirga ayaa doorashooyinkooda hore loo soo gabagaeeyay, waxaana hadda la sugayaa Maamullada Jubaland iyo Hirshabeelle, oo caqabado xooggan ka heystaan dhameystirka doorashada.

Golaha Wadatashiga Qaran, ayaa hore u qorsheeyay in doorashooyinka Baarlamaanka la soo af-meero, 15-kii Maarso, [Saddex maalin ka hor] hayeeshee, qorshahaas, ayaan hir galin, xilli ay sii siyaadday canaanta ka imaaneysa Mareykanka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.