Guddoomiye Sacdiyo oo iska fogeysay eedda loo jeediyay

Guddoomiye ku-xigeenka oo ka jawaabtay hadalka ka soo laabtay Khudabadii ay ka jeedisay  daah-furka ol'olihii 16-ka maalmood ee Tacadiyadda ka dhanka ah ee Haweenka & Carruurta ayaa sheegtay in dusha laga saaray hadal aysan sheegin ama si kale loo fasiray.

Warar Keydmedia Online
Guddoomiye Sacdiyo oo iska fogeysay eedda loo jeediyay

MUQDISHO, Soomaaliya -  Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa markii ugu horreysay ka hadashay hadal heynta ka dhalatay waxa loogu yeeray xeerka Jinsiga oo maalmihii la soo dhaafay si weyn loo hadal hayay.

Gud; Sacdiyo oo maanta kulan la qaadatay qaar ka mid ah Culimada oo uu hoggaaminayay Afhayeenka Hey'adda Culumada Sheekh Cabdulqaadir Soomow, ayaa sheegtay in hadal-keeda la qalloociyay isla-markaana aysan u ololeyn wax diinta ka hor imaanaya.

Guddoomiye ku-xigeenka oo ka jawaabtay hadalka ka soo laabtay Khudabadii ay ka jeedisay  daah-furka ol'olihii 16-ka maalmood ee Tacadiyadda ka dhanka ah ee Haweenka & Carruurta ayaa sheegtay in dusha laga saaray hadal aysan sheegin.

Arbacadii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in Guddoonka Baarlamaanku uu ku baraarugsan yahay hadal heynta ka dhalatay waxa loogu yeeray xeerka Jinsiga oo maalmihii la soo dhaafay si weyn loo hadal hayay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka wuxuuna tilmaamay in Baarlamaanka Soomaaliyeed aan la hor keeni doonin wax ka hor imaanaya Diinta Islaamka, isla-markaana Dastuurka dalka u yaalla uu dhigayo in aan waddanka lagu faafin karin diin aan ahayn midda Islaamka.

Dhanka kale, dhawaan Sacdiyo ayaa sheegtay in ay heshay farriimo hanjabaado dil ah kadib hadalka muranka dhaliyay ee ahaa in ay ansixin doonto xeerka Kufsiga, inakastoo dadka qaar ku doodeen in xeerkaas lagu hoos qarinayo qowmu-luudnimo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.