KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Moses Wetangula waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in hay’adahooda sirdoonka ay hayaan xog xaqiiq ah oo sheegaysa in diyaaradahaasi hub u keeneen Al-Shabab waxaase uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in safiirku uu arrintaasi dafiray.
“Safiirku waa uu dafiray eedeymaha ah inay hub ka dajiyeen Baydhabo laakiin waxaa uu noo sheegay in wasiirkooda arrimaha dibbadda uu Nairobi ku imaan doono si deg deg ah si aan arrimahaan u lafo gurno” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibbadda Kenya Moses Wetangula
Wasiirkaan arrimaha dibbadda u qaabilsan dawlada Kenya waxaa uu sheegay inay iyagu yeereen safiirka kadibna ay su’aalo ka waydiiyeen waxa ka jira in Eritrea hub ku taageertay Al-Shabab, waxaana uu intaa ku daray inay tilaabo adag ka qaadayaan Eritrea haddii ay ku cadaato inay hub siiyeen Al-Shabab
Dhanka kale afhayeenka wasaaradda gaashaandhiga wadanka Kenya Maj Emmanuel Chirchir ayaa asna bogga uu ku leeyay aalada Twitter ka ku leeyahay ayuu ku sheegay inay hayaan in Al-Shabab wadaan qorshe ay hub ku kala gudubasanayaan kaasi oo loo adeegsan doono dameero sida uu hadalka u dhigay
Emmanuel Chirchir waxaa uu sheegay inay suurto gal tahay in Shababku hub ku qaataan daameerada waxaana uu ka digay in Shababka laga iibsado dameerada sida uu yiri
Kenya ayaa waxay ka mid tahay wadamada Africa ee dagaalada kula dagaalyahanada Xarakadda Al-Shabab.
Keydmedia.net - Xafiiska Nairobi
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.